4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 14, 2015
Kenya oo Amar ku bixisay inaan la Diiwaan-gelin karin Ardayda ka yimaada Somalia iyo Itoobiya


Axad, Juun 14, 2015 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa Amar ku bixisay inaan la Diiwaan-gelin karin wixii hadda ka dambeeya Ardayda ka Tallaaba Xadka ay la Wadaagto Somalia iyo Itoobiya, iyadoo Arrintan lagu sheegay inay xiriir la leedahay Arrimaha Amniga dalka Kenya.

Agaasimaha Waxbarashada Magaalada Mandheera, Ismaaciil Barrow oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in amarkan uu yahay mid cusub oo kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada dalka Kenya, kaasoo dhaqan-galaya Maanta oo Axad ah.

“Waxaa amarkan uu sheegayaa in ardayda ka yimaada dhanka Soomaaliya iyo Itoobiya oo daris la ah Somalia aan wixii hadda ka dambeeya la diiwaan-gelin karin, balse kuwa hadda waxbarashadu u socoto ay sii wadanayaan,” ayuu Barrow yiri.

Sidoo kale, agaasimaha ayaa sheegay inuusan ogeyn Sababta Amarkan ay dowladda Kenya u soo saartay, laakiinse uu filayo inay xiriir la leedahay Arrimaha amniga Kenya, wuxuuna xusay inaan la sheegin in go’aankan uu sidaan ahaan doono iyo in wax laga bedeli doono.

“Go’aankan waa mid la gaaray, balse ma sheegi karo in wax laga bedeli doono,” ayuu mar kale yiri Ismaaciil Barrow, isagoo Sheegay in lagu armay inay Ardayda Keenyaanka ah oo keliya laga diiwaan-gelin karo Magaalada Mandheera.

Arday fara badan oo Soomaaliyeed oo ka tallaaba subax walba xadka ay Kenya la leedahay Somalia ayaa wax ka barta iskuullada dowladda Kenya ee Mandheera ku yaalla, iyadoo ay tallaabadani tahay mid cusub oo ay Dowladda Kenya Qaadday.

Ugu dabmeyn, Agaasimaha Waxbarashada Mandheera ma uusan sheegin tirada ardayda ka tallaaba Xuduudaha Somalia iyo Itoobiya ee haatan wax ka barta Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya