4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 14, 2015
Madaxweynaha Somalia oo Gaaray Koofur Afrika oo uu kaga Qayb-galayo Shirka Midowga Afrika


Axad, Juun 14, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa Xalay gaaray Magaalada Johannesburg ee Dalka Koonfur Afrika, halkaasoo uu uga qaybgalayo shir madaxeedka ururka Midowga Afrika oo maanta furmaya.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay magaaladaas, iyadoo ay soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Koonfur Afrika iyo howl-wadeennada Safaaradda Somalia ee Koonfur Afrika.

Johannesburg ayaa Waxaa maanta ka Furmaya Shirka Hoggaamiyeyaasha Afrika, iyadoo shirka sannadkan looga hadli doono arrimo ay ka mid yihiin kooxaha Boko Haram iyo Al-shabaab oo ka dagaalama dalalka Somalia iyo Nigeria.

Madaxweynaha Soomaaliya oo shirka ka Qayb-galaya ayaa khudbad ka jeedin doona shir-madaxeedka Midowga Afrika, isagoo ka hadli doona dagaalka dowladdiisa kula jirto Al-shabaab, Qorshaha dowladda ay hiigsaneyso 2016-ka ee doorasho dalka ka dhacaysa iyo arrimo kale oo fara badan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia ayaa ka dalban doonaa Taageero Midowga Afrika sidii dowladdiisa looga caawin lahaa sidii Al-shabaab looga adkaan lahaa iyo weerarrada ay ka geystaan dalalka Geeska Afrika sida Kenya.

Ugu dambeyn, Shirka Midowga Afrika oo ah kii 25-aad, Waxaana shirka ka qayb-galaya Madaxda Afrika oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir, kuwaasoo shirka ka jeedin doona xaaladaha dalalkooda ka jira.

Si kastaba ha ahaatee, shirka Midowga Afrika ee sannadkan lagu qabanayo Koonfur Afrika ayaa noqonaya kii labaad oo dalkaas lagu qabto tan iyo markii uu dhammaaday Nidaamkii midab kala sooca ahaa ee dalkaas ka jiray muddada fog.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya