4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 14, 2015
Koonfur Afrika oo laga Dalbaday inay Xirto Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir


Axad, Juun 14, 2015 (HOL) — Xukuumadda Koonfur Afrika ayaa Waxaa Cadaadis lagu saarayaa inay xirto Madaxweynaha dalka Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir oo ku sugan magaalada Johannesburg si uu uga qaybgalo shir madaxeedka 25-aad ee Ururka Midowga Afrika.

Al-Bashiir ayaa waxaa loo haystaa eedo la xiriira dambiya dagaal oo ay kusoo oogtay Maxkamadda Caalamiga ee Dambiyada ee ICC, iyadoo madaxweynaha Suudaan uu ka mid dadka ay baadigoobayso maxkamadda ICC.

Madaxweynaha Sudan ayaa lagu eedeeyay inuu galay dambiyo dagaal, dambiyo ka dhan ah bani aadminimada iyo xasuuq ka dhan ah shacabka ku nool gobolka Darfur oo ka tirsan dalka Suudaan.

Laba amar oo lagu soo qabanayo Al-bashiir ayay Maxkamaddu horay u soo saartay balse weli kuma guuleysan inay gacanta ku dhigto madaxweynaha dalkaas, iyadoo maxkamaddu aysan lahayn ciidammmo boolis oo gaar u ah.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa ku tiirsan dalalka xubnaha ka ah oo dalka Koonfur Afrika uu ka mid yahay, kaasoo laga dalbaday inuu soo xiro hoggaamiyaha Sudan, inkastoo Midowga Afirka ay horay ugu eedeeyeen maxkamadda inay ka xaglinayso Hoggaamiyeyaasha Afrika.

Guddoomiyaha Golaha dalalka ICC, Sidiki Kaba ayaa walaac ka muujiyay waxa ka dhalan haddii dowladda Koonfur Afrika ay diiddo diiddo inay u hogaansanto wuxuu ku tilmaamay waajibka caalamiga ee ka saaran inay xiraan Cumar Al-Bashiir.

Ugu dambeyn, Ururka Midowga Afrika ayaa hore u diiday inuu la yeesho ICC oo ah max-kamadda dambiyada dagaalka caalamka, iyagoo ku eedeeyey inaysan eegin madaxda kale ee dhibaatada ka wada calaamka, balse ay Afrika oo keliya ay eegto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya