4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 14, 2015
Kulliyado aan Horey uga jirin Soomaaliya oo Jaamacadda Banaadir lagu soo Kordhiyay (SAWIRRO)


Axad, Juun 14, 2015 (HOL) — Xarunta Jaamacadda Banaadir ee Muqdisho ayaa waxaa shalay gelinkii dambe lagu qabtay xaflad lagu furayey labo kuliyadood oo lagu soo kordhiyey kuliyadaha Jaamacaddaas, kuwaasoo kala ah kuliyadda cilmiga kheyraadka dhulka (Geo-Science) iyo kuliyadda Caafimaadka Ilkaha (Dentistry).

Waxaa munaasabadaas ka qeyb galay, masuuliyiinta Jaamacadda Banaadir,  hormuudyada, macalimiinta iyo ardayda Jaamacadda, masuuliyiin ka socotay wasaaradaha Batroolka iyo macdanta iyo mida tamarta iyo biyaha ee xukuumada Somalia, aqoonyahano iyo marti sharaf kala duwan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo xafladda ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsansan yahay ka soo qeyb galka daah-furka labada kuliyadood ee ku soo kordhay Jaamacada.

“Dadaal iyo juhdi fara badan oo muddo dheer soo socday socday ka dib ILAAHAY mahadiis waxaan ku guuleysay maanta inaan aasaaska u dhigno labada kuliyadood ee aan maanta furitaankooda xafladan u fadhino kuwaasoo kala ah kuliyadda cilmiga kheyraadka dhulka iyo kuliyadda dentiistenimada oo labadaba aan dalka horey uga jirin” ayuu yiri gudoomiyaha Jaamacada.

Dr. Dalmar ayaa ka waramay baahida ay labadan kuliyadood u qabaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo muhimada ay leeyihiin, wuxuuna ugu baaqay ardayda Soomaaliyeed iney ka faa’iideystaan, isagoo balan-qaaday iney waxbarasho tayo sare leh iyo shahaado caalamka laga aqoonsan yahay ay ka heli doonaan Jaamacada sidii horeyba looga bartay.

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah mu’asasada iyo aasaasayaasha Jaamacadda Banaadir oo isna halkaas ka hadlay ayaa talaabo taariikhi ah ku tilmaamay in jaamacada ay markii ugu horeysay dalka ka hirgeliso kuliyaddaha dentistenimada iyo tan Cilmiga ka faa’ideysiga kheyraadka dhulka, isagoo maamulka sare ee Jaamacada uga mahad celiyey dedaalka ay u galeen taaba gelinta labadan kuliyadood.

“Jaamacadda Banaadir waxay u taagan tahay iney had iyo jeer daboosho baahida ay qabaan bulshada Soomaaliyeed, soona saarto aqoonyahano dabooli kara hadba meelaha umaddu uga baahan tahay in laga horumariyo” ayuu yiri Prof. Dufle oo sidoo kale ah gudoomiyaha guddiga arrimaha Bulshada ee Baarlamanka federaalka Somalia.

Waxaa sidoo kale munaasabada ka hadlay hormuudyada kuliyadaha cusub ee dentistaha iyo tan Cilmiga kheyraadka dhulka, waxayna sharaxaad ka bixiyeen qeybaha ay kala baxaan kuliyaddahaas iyo aqoonta ay xambaarsan yihiin.

Hormuudka kulliyada cilmiga kheyraadka dhulka Ing. C/qaadir Abiikar ayaa si gaar ah u xusay in kuliyadan laga baran doono sidii loo saari lahaa loogana faa’iideysan lahaa kheyraadka dhulka Somalia ka buuxa, sida, gaaska Batroolka iyo noocyada shidaalka, macdanta, dhagxaanta qaaliga ah, dheymanka, dahabka iwm.

Cumar Shiikh Caddow hormuudka kuliyada cusub ee dentiistaha ayaa isna tilmaamay in asaaska kuliyadaas ay ka dambeysay markii la ogaaday in Soomaaliya ay ku yar yihiin dentistayaal aqoontoodu sareyso, isagoo faahfaahin ka bixiyey qeybaha dentiistaha, wuxuuna xusay in kuliyadiisa ay soo saari doonto dhaqaatiir ku taqasusay caafimaadka ilkaha.

Maareeyaha guud ee wakaalada Batroolka ummada Xuseen Cali Axmed oo isna hadlay ayaa ku dheeraaday howlaha ay qabato wakaalada iyo marxaladaha ay soo martay, sidoo kale maareeyaha ayaa ka sheekeeyey heshiisyada sahminta iyo  baarista shidaalka dalkeena ee illaa hadda dowladu la gashay shirkadaha shisheeye.

“Wasaarada Batroolka iyo macdanta oo wakaalada aana masuulka ka ahay ay hoos tagto waxay mustaqbalka u baahan tahay aqoonyahano khabiir ku ah sahminta iyo soo saarka shidaalka dalka waxaan u mahad celinaynaa Jaamacada Banaadir oo daaha ka rogtay warshadii soo saari laheyd aqoonyahanada aanu u baahanahay” ayuu yiri Maareeyaha oo balan-qaaday iney dhinaca baraatikada howlaha shidaalka dalka ka saacidi doonaan ardayda kuliyadan cusub si ay khibrad uga kororsadaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Tamarta iyo biyaha ee xukuumada Somalia oo isna halkaas ka hadlay ayaa Jaamacada Banaadir ugu hambalyeeyey kuliyadaha cusub ee ay soo kordhisay iyo faa’iidada ay u leeyihiin horumarka dalka iyo dadka, wuxuuna xusay in Somalia ay aad ugu yar yihiin dad khabiiro ku ah howlaha soo saarka batroolka iyo macaadiinta kale, wuxuuna u mahad celiyey jaamacada oo buu yiri u istaagtay iney daboosho baahida loo qabo aqoonyahano Soomaaliyeed oo kaalintaas buuxiya.

Jaamacada Banaadir oo la aasaasay 2002 ayaa sanadba sanadka dambeeya ku talaabsaneysa horumaro kala gedisan, waxayna labadan kuliyadood ee lagu kordhiyey ay 12 ka dhigeen kuliyadaha ay ka kooban tahay jaamacadaas oo horey u ahaa toban kuliyadood.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya