4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 14, 2015
SHARMA’ARKE: Mareykanka ayaan kala Hadlay Arrinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee Yemen


Axad, Juun 14, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid oo ku sugan Mareykanka ayaa sheegay inay dowladda Mareykanka kala hadleen sidii ay gacan uga siin lahayd samata-bixinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ku dhibaateysan.

Sharma’arke ayaa xusay in dhibaatooyin xoog leh ay haystaan Qoxootigaas ayna filayaan in Mareykanka uu gacan ka geysto sidii dalkaas looga saari lahaa, maadaama ay xaaladda amni ee Yemen kasii darayso maalin walba.

“Mareykanka ayaan kala hadalnay sidii wax loogu qaban lahaa Qoxootiga Yemen ku sugan ee Soomaalida ah. Runtii dhibaatooyin xooggan ayaa haysta, innaguna mar walba dadaal ayaan ugu jirnay sidii looga saari lahaa dalkaas,” ayuu Sharma’arke yiri.

RW Cumar ayaa intaas ku daray inay baqdin ka qabaan in qulqulka Qoxootiga dalka Yemen u dhashay ay keeni karto in kooxo ka tirsan dagaalyahannada Islaamiyiinta ah ee dalkaas ku sugan ay u soo gudbaan Somalia.

“Waxaa jirta cabsi aan ka qabno in kooxaha xagjirka ah ay Soomaaliya u gudbaan sidoo kalena uu hub ka gudbay Yemen uu gaaro Somalia, waxaase oo dhanna isha ayaan ku haynnaa, waana u tacsiyeynayaa dadkii Soomaaliyeed ee colaadaha dalka Yemen ku geeriyooday,” ayuu mar kale yiri RW Sharma’arke.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay Tira-koobkii dhawaan ay soo gudbisay xukuumadda Soomaaliya, isagoo sheegay inuu ahaa mid qiyaas ah laakiinse uusan ahayn mid dhab ah, isagoo xusay in dadka ay shaki ka muujiyeen, laakiinse la sameyn doono tira-koob dhab ah.

Mar uu ka hadlya doorashooyinka la filayo in Somalia laga qabto sannadka 2016-ka ayuu sheegay inay ka go’an tahay dowladda inay qabto doorasho, isagoo xusay in guddiga doorashooyinka ay arrrintan kasoo shaqeyn doonaan.

“Xukuumadda Somalia waxaa ka go’an in doorashooyin dalka ay ka dhacdo 2016-ka, balse ma filayo in doorashada ay noqon doonto mid ay shacabka Soomaaliyeed oo dhan ay codadkooda ka dhiiban karaan, waayo meelaha qaarkood dhibaato ayaa ka jirta,” ayuu yiri RW oo sharraxayay doorashada dhacaysa.

Ugu dambeyn, wuxuu ka hadlay heshiisyada la galo ee aan la fulin, isagoo xusay in dowladda keliya aan lagu eedeyn karin taas oo ay maamulladu iyaguba ka baxaan heshiiska la galo qaarkood.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya