4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 13, 2015
WARBIXIN: Halkee Marayaa shirka dhismaha Maamulka Gobollada Dhexe ee Soomaaliya?


Sabti, Juun 13, 2015 (HOL) — Inkastoo marka dhinac laga eego shirka ka socda degmada Cadaado ee lagu dhisayo Maamulka Gobollada Dhexe ee Galguduud iyo Mudug la oran karo ma'aha mid ka maran daldaloolo siyaasadeed iyo is -qab-qabsi beellaha dhaxdooda ah, haddana waxaa muuqata in uu soo gaaray marxalad rajo badan laga qabi karo in lagu dhiso golle wakiilo oo soo doorta madaxweynaha Hohgaamin doona maamulka gobollada dhexe.

Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Shirka Cadaado Xaliimo Ismaaciil [Xaliimo Yareey] oo kulammo la Qaadatay odayaasha soo Xulaya Golaha Wakiillada Maamulka Gobollada Dhexe, ayaa sharaxaad ka bixisay Shuruudaha laga doonayo shaqsiga loosoo xulayo inuu ka mid noqdo xildhibaannimada, taasoo muujineysan in shirku u gudbayo heerarkiisii ugu danbeeyay.

Balse iyadoo taan jirto, haddana magaalada Cadaado marka aad eegto maalin kasta waxaa ka jira kulamo iyo shirar ay leeyihiin odayaal dhaqameed ka cabanaya in aan laga tixgalin shirweynaha, qaarkoodna waxaa ay ku doodayaan in meeshaba laga saaray shaqsiyaadkii ku matalayay gollaha soo xulista xildhibaannada, kuwaa oo booskooda la geeyay odayaal aan matalin beeshooda.

Guddiga farsamada ayaa dhinacooda la oran karaa waxaa ay ku guuleysteen in ay xaliyaan Khilaafyo Siyaasadeed oo mar marar hore soo wajahay shirka, dadbadanna aamisanayeen haddii aan maaro loo helin in shirku fashilmi karo.

Tusaale ahaan waxaa la baabi'iyay oo meesha laga saaray guddi farsamo oo ay qaar ka mid ah murashaxiintu ku dhawaaaqeen, kadib markii ay sheegeen inay ku kalsoonaan waayeen Guddiga Farsamada ee ay dowladdu u saartay socodsiinta shirka oo ay ku eedeeyeen inay ka tallaabeen howlihii loo idmaday.

Dadka dhaliilsanaa howsha Wasaarrada Arrimaha Guddaha iyo Guddiga Farsamada waxaa ka mid ahaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug,Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo hadda u muuqda shaqsi siweyn ula dhacsan sidda howluhu u socdaan.

Xubno ka tirsan guddiga farsamada shirka ayaa billaabay inay socod ku maraan deegaanno ka tirsan labada gobol ee loo sameynayo maamulka, iyaga oo dadka degmooyinka ka tala-galinayo dooda ku saabsan qodobada dastuurka uu yeellanayo maamulka oo meelaha qaar siweyn leysugu diidan yahay.

Wasiirka wasaarrada arrimaha guddaha iyo Federaalka Somalia, C/raxmaan Odawaa oo in badan kor joogta ka ahaa sidda uu shirku u socdo, ayaa ku dhaliilay ergada inay wax badan ka gaabiyeen, isagoo xusay in waqtigii loogu talo-galay inuu shirka socdo ay in ka badan fadhiyaan, wuxuuna kula Dar-daarmay in dhaqso ah loosoo Af-jaro ka doodista Qodobada Dastuurka si markaa aan waqti kale loo lumin.

Musharixiinta oo intooda badan ku wadda sugan hadda magaalada Cadaado, ayaa iyagana la oran karaa waxaa ay saameyn xoog leh ku leeyihiin socoshada shirka, iyadoo mid walba oo ka mid ah uu maanka ku hayo in guusha shirka ay ku xirran tahay hadba galaan-galka siyaasadeed ee uu ku leeyahay odayaasha dhaqanka, gollaha wakiilada la soo xulayo iyo howl-wadeenada shirweynaha.

Magaalada Cadaado oo ah mid mashuul ah waxaa giadaarada iyo meelaha dadku ku badan yahay lagu arkayaa sawirada musharixiinta qaarkood, kuwaa oo rajo ka qaba in ay ku soo baxaan hogaanka maamulka dhismi doona.

Maamulka la filayo inuu kasoo baxo shirka Gobollada Dhexe waxaa la oran karaa waa mid ka duwan maamulladii ka horreeyay sida Jubbaland iyo Koonfur-galbeed, Madaama ka hor inaan la doonran madaxweynaha la dhisayo gole wakiilo, kuwaasoo u codeyn doona Ruuxa madaxweynaha noqonaya, halka labada maamul ee Koonfur galbeed iyo Jubbaland ay soo doorteen Madaxweynaha ergo laga soo kala xulay qabaa'illada deegaannadaas ku nool.

Sikasta oo ay tahay  shirweynaha Cadaado oo siweyn isha loogu hayo, ayaa looga fadhiyaa inuu kasoo baxo madaxweynaha hoggaamin doona Maamul ka kooban Gobollada Mudug iyo Galguduud.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya