4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 13, 2015
Waxgaradka Gobolka Awdal oo beeniyay war uu dhawaan sheegay Badhasaabka Gobolka Awdal

Sabti, Juun 13, 2015 (HOL) — Madax-dhaqameedka Gobolka Awdal iyo degmadda Baki ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadal maalmo ka hor ka soo yeedhay badhasaabka gobolka Awdal ee uu sheegay inuu hub ka soo qabtay  gobolka Awdal.

Odayaashan ayaa sheegay in hubkani ahaa mid ka soo hadhay hadhaagii hubkii Militariga Soomaaliya, isla markaana in badan iska ooli jiray magaaladda Baki ee gobolka Awdal.

“Waxa badhasaabka gobalka Awdal Ramaax uu Iclaamiyey in hub nabad galyada jaararka iyo gudahaba khatar u ah in la qabtay, si fadiisuna uu sifadii argagaxisada leeyahay ayaa uu halkaas ka sheegay, waxa weeyey maalintaas illaa maanta waxaa aan ku jirnay dabo gal, waxaanu baadhaynay halka ay wax ka yimaadeen iyo sida ay ahayd, waxaan guntii soo oggaanay ama aanu gunteedda gaadhnay hawshaas iyada ah ee saxaafada ka baxday cidii dhigtay iyo halkay taalay iyo cidii lahayd ayaan soo oggaanay, waxaanu filaynay in maadaama arrintu arrintii la sheegay ay noqon weyday oo aanu xukuumadda ku balansanayn in ay iyadu afkeeda ku beeniso in arrintaasi aanay sidii loo dhigay ahayn ee warka la sheegay iyo cida maamulka u sheegtayba ay ahayd wax si khalad ah loogu keenay”ayuu yidh i Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar ayaa insa dhankiisa waxba kama jiraan ku tilmaamay hubkan, waxaana uu tilmaamay in hubkan uu ahaa mid waligiiba yaalay guriga martida ee degmada Baki.

“Shirkan u jeedadiisu waxaa ay tahay in aanu ku beenino dhacdadii maalintii dhaweyd warbaahinta la mariyey ee ku saabsanayd hubkii la sheegay in laga helay degmada Baki, arrinkaasi run ahaantii waa arrin been abuur ah, hubkaas la sheegayna waa hubkii hadhaaga ahaa ee dawladii Siyaad Barre, meel walbana waa uu yaala, hubkaas waa la oggaa oo waliba ciidamada qaranka ayaa ogaa oo guddoomiyeyaashii iska dhaxlay degmada Baki, ayaa ogaa, meelbaa lagu ogaa, tiraba tiraba dhowr jeer ayaa aqal laga raray oo meel kale la geeyey, qeyb ka mid ah hubkaas oo baaruudii ah oo markii aqalkii hore ee uu yaalay dumay, ayaa laga raray, intii kale ee guriga ee biyahu galeen hay’adda Miino baadhista ayaa qarxisay, Markaa waxaan aad iyo aad uga xunahay arrinkii sidaas ahaa ee laga wada warhayey in maanta duulaan inta la qaado oo Shan iyo Toban baabuur lays dabo dhigo sidii oo wax argagaxisadii oo kale ah la soo qabanaayo, Allaabtii inta la galay aqalkii la jabiyo inta la soo gurtayna la yidhaahdo argagaxiso ayaa soo gashay magaalada”ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar

Dadweynaha reer Baki ayaa xukuumada ka dalbatay inay raaligalin ka siiyaan wararkaasi aan waxba ka jirin, isla markaana uu hubkaasi ahaa mid waligiiba yaallay.

Badhasaabka gobolka Awdal Ramaax ayaa laba maalmood ka hor sheegay inuu hub ka soo qabtay tuullo ku taalla gobolka Awdal, kuwaas oo iskugu jiray Hoobiyeyaal iyo budadda laga sameeyo Argagixisadda, waxaanu hadalkiisa ku sheegay inay baadhitaan wadaan ay ku ogaanayaan halka laga keenay hubkan iyo cidii ka dambaysay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland