4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 13, 2015
SAWIRRO: Safiirka Shiinaha u jooga Soomaaliya oo Garoowe kula Kulmay Madaxweyne GAAS


Sabti, Juun 13, 2015 (HOL) — Safiirka Dowladda Shiinaha ee Somalia, Wei Hongtian iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta duhurkii soo gaaray magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland, iyadoo ay soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa danjiraha ku qaabilay xarunta madaxtooyada, iyagoo wada-yeeshay kulan qaatay dhowr saac, kaasoo ay warbaahintu ka ahayd dibad-joog.

“Waxaa maanta sharaf weyn noo ah in Garoowe aanu kusoo dhaweyno Danjiraha Shiinaha u fadhiya Somalia, Mr.Wei, Waana Socdaalkii ugu horreeyay oo uu halkan ku yimaado,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo warbaahinta hadal kooban siiyay kulankoodi kaddib.

Isagoo intaas ku daray. “Kulankeena waxaan uga wada hadalnay xiriirka Shiinaha uu la leeyahay Soomaalia gaar ahaan Puntland iyo mashaariicda ay dowladda Shiinaha ka waddo gudaha gobolka Bari gaar ahaan Garoonka Boosaaso.“

Dhinaca kale, madaxweyne Gaas ayaa Madaxtooyada kula kulmay ku xigeenka wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Raisedon Zerenga oo ka mid ahaa wadiga soo gaaray maanta Garoowe.

Ugu dambeyn, Danjiraha Shiinaha ee Dalka Somalia iyo Mas'uulkan ka socday Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah u sheegay inay ka warqabaan xasiloonida Soomaaliya ka jirta, isla markaana ay dhinacyo badan ka taageeri doonaan maamulka Puntland.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]