4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 13, 2015
Socod Rajo soo-celin ah oo Maanta ka bilowday Magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya (SAWIRRO)


Sabti, Juun 13, 2015 (HOL) — Dhalinyaro ka kala socoto deegaanada uu ka kooban yahay Gobalka Waqooyi-bari ee dalka Kenya ayaa maanta waxay socod loogu loogu magic-daray Socodka Rajada (Walk of Hope) ka billaabeen magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi-bari ee dalka Kenya, kaasoo lagu mari doono masaafo dhan ku dhawad 1000-KM.

Socodkaas oo saaka ka bilowday Bundada Gaarisa, ayaa waxaa lagu tagi doonaan degmada Mandheera oo in ka badan 800-km u jirta magaalada Gaarisa kuna ku dhow xuduudka kala barto wadamada Somalia iyo Kenya.

Saalax Cabdi Sheekh oo hogaaminaayo socodkaas, ayaan khadka taleefoonka kula hadlay Goor-dhaweyd iyagoo Maraayay Meel Baadiye ah oo Qiyaastii 30-km u jirta Magaalada Gaarisa, wuxuuna ii sheegay in caawa ay ku hooyan doonaan magaalo lagu magacaabo Nuno, barina ay halkaas ka sii wadi doonaan socodkooda.

Saalax oo ah Bare Jaamacadeed, ayaa sidoo kale wuxuu ku qeexay ujeedada socodkooda iney tahay mid ay damacsan yihiin in wax looga qabto dhibaatooyinka dhanka Aqoonta, Caafimaadka iyo Ammaanka ee deegaanadaas ka jiro, madaama Macallimiintii iyo Dhaqaatirtii gobalkaas ka shaqeyn jirtay ay horay oga baxeen sababo amni dartood.

Wuxuu ugu baaqay dadka xirfadlayaasha ah ee ka soo jeedo gobalka Waqooyi Bari, iney dib ugu noqdaan deegaanadaas; ayna wax ka qabtaan baahiyaha jiro.

“Waxaan rabnaa inaan tusno rajo dadka deegaanka, sidoo kalana dad kale ee aanan ku dhaqneyn Waqooyi Bari aan u sheegno, gobalkaan inuu yahay meel lagu noolaan karo oo dhibaatada amni darada ah aynan ka wada jirin”, ayuu yiri Saalax oo ugu baaqay dadka ka soo jeedo gobalkaas iney buuxiyaan meelaha ay baneyeen dadkii bulshada u shaqeynaayay ee ka tagay Waqooyi Bari.

Dhanka kale Wariye Salah Mohamed oo kamid ah Socdaalayaasha, ayaa Hiiraan Online u sheegay in saaka markii ay ka soo baxeen magaalada Gaarisa ay dad-weyne tiro badan soo sagootiyeen, balse ay badankoodu ku hareen magaalada Modhikaareey oo qiyaastii 25km u jirto Gaarisa.

Wariyahaas ayaa intaa raaciyay in wali dadka socdo ay yihiin koox ayna damacsan yihiin, iney socodaan xili qoraxdu ay kulushahay, Bishii Ramadaana ay fooda inagu soo hayso.

Socodka Rajada oo lagu qiyaasay inuu qaadan doono muddo Bil ku dhow, ayaa Waxaa ka qeyb qaadanaayo dad iskugu jiro Aqoonyahano, Xubno Bulshada u dhaq-dhaqaaqo, Sharci yaqaano iyo wariyayaal. waxaana lagu tagi doonaa Magaalooyin iyo deeganno kala duwan oo ka tirsan ismaamulada Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera, ayadoona loogu kuur gali doono xaalada dhabta ah ee ka jirto deeganadaas oo dhan.

Si kasta ha ahaatee, dhaq-dhaqaaqan ayaa ka dambeeyay kadib markii bilihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen gobalkaas weeraro Ururka Al Shabaab ka geysteen oo lagu dilay dad badan oo iskugu jiray Arday, Macallimiin, Dhakhaatiir, Xoogsato iyo Askar, Kuwaas oo markii dambe sababtay in deegaanadaas ay ka baxaan dadkii anaan Soomaalida aheyn, taasni ay hoos u dhigtay heerarka ammaanka, Waxbarashada iyo Caafimaadka Gobalkaas.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya