4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 13, 2015
Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo shir Calaami ah uga Qayb-galay dalka Musambiik (SAWIRRO)


Sabti, Juun 13, 2015 (HOL) — Wasiirka Maaliyada xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Farkeeti ayaa magaalada Maputo ee xarunta dalka Mozembiqeu uga Qayb-galaya shirkii Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka, kaasoo ay kasoo qayb-galeen in ka badan 56-waddan oo xubnaha ka ah iyo Hay'adda uu leeyahay Maal-qabeenka u dhashay dalka Maraykanka ee Bill Gate.

Fargeeti ayaa Shirka ka jeediyay Khudbad dheer oo uga Hadlayo Horumarrada ay Somalia gaartay sannadihii lasoo dhaafay iyo sida Shacabka Soomaaliyeed ay Horumarro Dhanka Dhaqaalaha, Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo dib-u-dhiska dalka.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay in Bangiga Horumarint Islaamka uu Somalia ka caawiyo Arrimo ay ka mid yihiin Caafimadka iyo Waxbarashada, iyadoo Shirkan lagu go'aamiyay lacag gaarysa 500-Milyan oo Doollar oo loogu deeqay dalalka xubnaha ka ah Bangiga.

"Bangiga Horumarinta Islaamka oo Xaruntiisu tahay Magaalada Makah ee dalka Sacuudi Carabiya iyo Hay'adda Samafalka ee Gate Foundation ayaa isku raacay in la bixiyo lacag gaaraysa 500-Milyan oo doollar oo lagula dagaallamayo faqriga iyo cudurrada Waddamada xubnaha ka ah Bangiga ka jira. Sanduuqan oo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan Bangiga iyo hay'adda Bill Gate Foundation ayuu ujeedkiisu yahay in wax looga qabto saboolnimada iyo cudurada, laguna abuuro barnaamijyo lagu taageerayo caafimaadka, beeraha iyo kor u qaadida nolosha dadka reer miyiga ah," ayuu yiri Wasiir Fargeeti.

Dhanka kale, Madaxweynaha Bangiga Horumarint Islaamka oo kulanka la qaatay Wasiirka Maaliyadda Soomaalya ayaa soo dhaweeyay hormarka ay Soomaaliya sanadihii dambe ku tallaabsatay, isagoo ballan-qadayna inuu garab-istaagi doono ummadda Somaliyeed ayna ka taageeri doonaan Horumarinta Beeraha iyo sidii kor u Qaadida lahaa Waxbarasho guud  ee dalka, wuxuu kaloo xusay inay gacan ka siin doonaan Qaxootiga kasoo cararaya Yemen ee soo gaaraya Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ka Qayb-galay 40-sanno Guuradii kasoo Wareegatay markii Mozambique ay xorriyadeeda  ka qaatay gumaystihii Boortaqiiska ayaa Xusay in Somalia ay gacan weyn ka geysatay sidii Mozambique u heli lahayd madax-bannaanideeda.

“Soomaaliya waxay door muuqda ka Qaadatay halgankii gobonimo doonka Mozembique waxaana tusaale u ah in Waddoodoyinka Muhiimka ah ee caasimadooda Maputo ay ugu magac-dareen Madaxweynihii hore ee Somalia, Maxamed Siyaad Bare,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Wasiir Fargeeti.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya