4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 13, 2015
DAAWO SAWIRRADA: Kumanaan Qoxooti ah oo Colaada Yemen ka soo cararay yimidna Boosaaso


Sabti, Juun 13, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 3,000 oo Qoxooti ah una badanaa Soomaali oo kasoo cararay colaadaha Yemen, kuwaasoo Saakay lasoo gaarsiiyay Dekedda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, kuwaasoo la socday Markab Weyn oo Siday in ka badan 2,000 iyo Laba doomood oo yar-yar.

Qoxootigan ayaa u badnaa caruur iyo haween, Waxaana ku jiray Dad Xanuunsan oo markii lasoo dayiyay loo qaaday isbitaallada si loogu daweeyo, Dhanka kale Dekedda waxaa ku sugnaa xilligaas Hay’ado iyo Shirkado Maxalli ah oo dadkan Qoxootiga ah u Qaybinayay Raashin iyo biyo.

Dadkan Qaarkood oo Warbaahinta la Hadlay ayaa Sheegay in ay Dhibaatooyin aad u daran ka jiraan Yemen, kuwaasoo ay ka mid yihiin cunno la’aan, biyo la’aan, dagaallo iyo weliba kuleyl aad u daran.

Haweeney ka mid ahayd Qoxootiga ayaa sheegtay inay ka timid xarunta Yemen ee Sanca, ayna dhibaatooyin aad u badan ka jiraan, iyadoo intaas ku dartay inay jiraan Soomaali kale oo ku sugan Mukallah, kuwaasoo doonaya inay soo aadaan dalkooda Hooyo ee Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya