4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 13, 2015
Wasiir ka tirsan Puntland oo Xilkii iska casilay shaaciyayna inuu ka jiro PL Khilaaf Siyaasadeed


Sabti, Juun 13, 2015 (HOL) — Wasiirkii Cadaaladda Puntland Ismaaciil Ma'med Warsame ayaa Maanta is-casilay, isagoo is-casilaaddiisa dhowr Arrimood Sabab uga dhigay, Isagoo kula hadlay Warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe.

Shir Jaraa’id oo Wasiirka is-casilay ku Qabtay Garoowe ayuu ku Sheegay Sababta uu isku casilay ay tahay kaddib markii uu ogaaday in Madaxweynaha Puntland uu doonayo inuu ka eryo xilka, uuna isaga si iskiis ah u Go’aansaday inuu is-casilo Maanta oo Sabti ah.

Ismaaciil Warsame ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland uu isna doonayo in Xilka aan sii hayo, Labada Mas’uulna uu u Dhexeeyo Khilaaf Xooggan oo ku aaddan isku-shaandheyn lagu sameynayo golaha wasiirrada Puntland.

“Aniga ayaa si iskey ah u go’aansaday inaan shaqada banneeyo, intii la oran lahaa caqabad ayuu ku Noqday Isku-shaandheynta la Doonayo in Dhawaan Golaha Wasiirrada Puntland lagu sameeyo,” ayuu yiri Ismaaciil Warsame.

Sidoo kale, wasiirka cadaaladda Puntland ee maanta is-casilay ayaa warbaahinta u sheegay inuu jiro khliaaf xooggan oo u dhexeeya madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa, kaas oo salka ku haya isku-shaandheynta lagu sameynayo Wasiirrada Puntland.

“Xilka waa la ii Magacaabay la ima dooran, Shalay markii la i magacabayay sidaas ayaa la isku kay qabsaday, Madaxweynuhu wuxuu lahaa waan magacaabayaa, halka Madaxweyne ku-xigeenku kasoo horjeedey, haddana way is bedeleen oo madaxweynaha ayaa leh Wasiir Ismaaciil waa kii shalay aad diidanayd, marka anigu ma doonayo inaan Caqabad ku noqdo howsha socota,” ayuu yiri Ismaaciil Warsame.

Dhanka kale, wasiirka is-casilay ayaa sheegay in sababaha uu isku casilay ay qayb ka tahay mushaar la’aan, isagoo sheegay in 16-bilood oo uu xilka hay dhaqaale xumo awgeed uusan sideed bilood oo ka mid ah wax xuquuq iyo mushaharaad ah uusan ka helin maamulka.

"Mar walba waxan u doodi jirnay in shaqaalaha Xuquuqdooda helaan, Waxyaabaha keenay khilaafka aniga iyo madaxweynaha ayayna taasi ka mid tahay," ayuu mar kale yiri wasiirka oo warbaahinta kula hadlay xarunta Puntland.

Wasiirka is-casilay maanta ayaa noqonaya kii u horreeyey oo Xilka baneeya tan iyo markii la magacaabay xukumadda Puntland, bishii Janaayo ee sannadkii 2014-kii. Iyadoo wasiirka is-casilay uu muddo sideed bilood ah ahaa Xog-hayaha Golaha Wakiillada Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya