4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 13, 2015
Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland oo Dhagax-dhigay Dhismaha Xabsi Cusub (SAWIRRO)


Sabti, Juun 13, 2015 (HOL) —Madaxweyne ku-xigeenka Jubbland C/qaadir X. Maxamuud (Luga-dheere) ayaa manta dhagax-dhigay dhismaha Xabsiga dhexe ee Jubbaland, kaasoo la filayo in dhawaan laga dhiso nawaaxiga xeebta Kibooro ee magaalada Kismaayo.

Madaxweyne ku-xigeenka oo ay Wehlinayeen Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose, C/rashiid Gooni, Gudoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland Mudane Shaafi Raabi Kaahin iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland ayaa waxa uu dhagaxdhigay dhismah xabsiga dhexe ee degmada Kismaayo.

Madaxweeyne kuxigeenka oo goobta khudbad dheer ka jeediyay ayaa sheegay in xabsigani noqon doono xabsiga dhexe ee degmada Kismaayo isagoo intaa ku daray in lagu xiri doono dadka danbiyada kala duwan gala.

"Xabsigaan Wuxuu noqon doonaa Xabsiga dhexe ee Jubbaland, Waxaana lagu Xiri doonaa Dadka Dambiileyaasha ah iyo kuwa u baahan Dhaqan-celinta," ayuu Hadalkiisii ku Daray madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya