4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 13, 2015
Xiisado colaadeed oo u dhexeeya Somaliland & Puntland oo ka taagan Gobollada Sanaag & Sool


Sabti, Juun 13, 2015 (HOL) — Xiisad Dagaal oo u Dhexeysa Maamullada Somaliland iyo Puntland ayaa ka Taagan deegaanno u dhexeeya magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe oo ka kala tirsan gobollada Sool iyo Nugaal.

Tuulada Tukaraq oo 52-km dhanka bari kaga beena magaalada Laascaanood ayay Puntland soo dhoobtay boqolaal gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ah iyo kumannaan ciidammo ah, halka deegaanno kale oo ka tirsan Gobollada Sool iyo Sanaag iyagana dhaqdhaqaaq ciidan laga dareemayo.

Somaliland aya iyaduna waxay awood ciidan oo aad uga badan kuwii gobolka joogi jiray ay keeneen deegaanno badan oo ay ka mid tahay tuuladda Ganbadhe oo 30-km Bari ka xigta degmada Laascaanood, waxaana dadka ku nool Laascaanood ay sheegayaan in xilliyada habeenkii ah ay dhanaca dhiiladu ka taagan tahay u gudbaan gaadiid dagaal iyo ciidammo fara badan.

Tuulada Cad-cadka (Hig-lada) oo ku taalla Deegaanka u dhexeeya dhulka Ciidanka Faraha badan lagu soo daad-gureynayo ayaa cabsi Xooggan ka qaba inay Dagaallo dad badan Sal-fada ay ay ka dhacaan, sida uu sheegayo C/raxmaan Cumar.

Kumannaan Reer Guuraa ah ayaa ku Qasbanaaday inay ka guuraan dhulka daaqsinta leh ee labada ciidan u dhexeeya kana mid ahaa meelihii roobabkii gu’gu aadka uga da’ay, iyagoo sheegay in sahanka Ciidamada labada dhinac ay mararka Qaarkood Rasaas is-dhaafsadaan, taasoo keentay inay shacabku dhulkaas oo dhan ka guuraan.

Labada Maamul ayaan Weli si Toos ah uga Hadlin waxa ka Soconaya Deegaannadaas iyo damaca ujeedo ee ka dambeeya; Waxaase Wararka Hoose ay Sheegayaan inay dhici karto inay ku dhacyo Dhex-maraan, Maadaama Dhinaca Siyaasadda ay si aad ah ugu kala kala duwan yihiin, iyagoo dhowr jeer iskaashi dhinaca ciidanka ah kula dagaalamay maamulka Khaatumo.

Sidoo kale, siyaasiyiin labada dhinac ah ayaa si xuuraan ah HOL ugu sheegay inuu dagaal dhici karo saacad kasta, balse waxay sheegeen in labada maamul haatan ay faa’iido ugu jirto inay xasilloonida ilaaliyaan, maadaama ay xiisadda siyaasadeed oo xoog badani ka taagan tahay.

Maamulka Puntland waxay u Tafaxay-danayaan inay mar kale gacantooda ku soo celiyaan magaalada Laascaanood oo 15-kii Oktoobar 2007-dii ay la wareegtay Somaliland, iyadoo dhan walba uu u arko Laascaanood meel muhiim u ah.

Dhinaca Somaliland ka Sokow muranka Muddo Kordhinta oo guuxeedii hoose aanu damin haddana rabitaan ay dagaal mar kale Deegaanno kaga Riixaan Puntland oo ay ku Gaadhaan ama ugu sii Dhawaadaan Halka loo yaqaan Yoocada oo Haatan ah Dhaadhaca Waqooyi ee Buurta Madaxtooyada Puntland illaa 3-km u jirta bartamaha magaalada Garoowe.

Saadaasha Dadweynaha ee Dagaalladan ayaa u Muuqata mid Aanay Wax Sidaas ah kala socon intooda badan oo qaarba meel abaarayaan, laakiinse dadka Qaarkood ayaa qaba in Dagaal dhaca xilligan uusan ahayn mid Sahlan, halka kuwo kale ay qabaan in Xiisadahan dagaal lagu daboolayo xiisad siyaasadeed oo jira.

Ugu dambeyn, Su’aasha ugu weyn ee dadku is-weydiinayaan ayaa ah meesha dagaalkan uu kaga jiro Maamulka uu Madaxda u yahay, Prof. Cali Khaliif Galaydh oo aan Gebi ahaanba la hayn; iyagoo sheeganaayay dhulka lagu muransan yahay.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool