4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 13, 2015
Guddiga qabyo-qoraalka dastuurka ee Jubbaland oo wada Ururinta Ra'yiga Bulshada Jubbooyinka


Sabti, Juun 13, 2015 (HOL) — Gudiga qabyo-qoraalka dastuurka Jubbaland ayaa xilliyadii u Dambeeyay waxa ay wadeen safarro kala duwan oo ay ku kala bixinayeen Degmooyinka uu ka arimiyo maamulka Jubbaland, iyagoo shacabka ku dhaqan la Weeydinayay Aragtida ay ka qabaan Qabyo-qoraalka Dastuurka Jubbaland.

Guddiga ayaa Dhawaan Gaaray Degmooyinka Dooloow, Luuq iyo Degmada Beledxaawo, iyagoo kulammo gooni-gooni ah la qaatay shacabka ku dhaqan deeganadaasi si ay wax uga weeydiiyaan aragtidooda ku aadan dastuurka cusub.

Dadka ku Dhaqan Degmooyinkaaas ayaa soo jeediyay Aragtidooda ku aaddan Dastuurka Cusub ee Jubbaland iyo Weliba Waxyaalaha ay Jeclaan lahaayeen in lagu Kordhiyo ama Wax-ka-bedel lagu sameeyo.

Guddiga ayaa sidoo kale la filaya in dhawaan ay gaaraan Degmooyin kale oo Jubooyinka ka tirsan si ay afti uga qaadaan shacabka ku dhaqan Goobahaasi.




Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya