4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 13, 2015
ANGELINA JOLIE: Kufsiga iyo xad-gudubyada lagula kaco dumarka Soomaaliyeed waa in la baabi'iyo


Sabti, Juun 13, 2015 (HOL) — Kulan ay kawada Qayb-galeen Angelina Julie oo ah Jilaa caan ah kana tirsan Hay'adda UNHCR, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda UK William Hague iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika Nkosazana Dlamini Zuma ayaa waxaa looga hadlay sida nabad iyo ammaan ay ku heli karaan Haweenka Afrika ku nool, iyadoo wax badan lasoo hadal qaaday Haweenka Soomaaliyeed ee Adduunka oo dhan ku dayacan.

Guddoomiyaha Guddiga Ururka Midowga Afrika, Dr. Dlamini Zuma oo furtay dooda iyo wadatashiga xoojinta iyo horumarinta Haweenka Afrika oo ay Soomaaliya qayb ka tahay ayaa sheegtay in tan iyo intii ay xilka Midowga Afrika Qabatay ay wax badan kusoo kordhisay Haweenka Afrika, iyadoo xustay in haweenka loogu tacadiyada badan yahay ay ka mid yihiin kuwa Somalia oo runtii faraxumeyn iyo xad-gudub ka dhan ah xuquuqul Aadanaha lagula kaco, loona adeegsado dagaalada inta badana aan loo ogolaan inay ka qayb noqdaan siyaasadda, taasna ay Midowga Afrika ahaan ku dadaalayaan inay wax ka qabashadeeda gacan ka geystaan.

Angelina Jolie oo ah safiirka hay'adda UNHCR oo ka Qayb-qaadaneysay Shirkaan Wada-tashiga ah ayaa ugu horrey u mahad-celisay guddoomiyaha Midowga Afrika, Nkosazana Dlamini Zuma oo ka dhigtay xuquuqda Haweenka udub dhexaadka Midowga Afrika.

Iyadoo ku hadlaysay magaca Hay'adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR ayay xustay inay hay'adoodu waddo qorshe ah sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka naxariis-darrada ah ee lagu hayo Haweenka Adduunka, gaar ahaan kuwa Afrika iyo meelaha la midka ah.

Jolie ayaa tilmaantay Xad-gudubyada Kufsiyada iyo Faraxumeenta Haweenka ee ka jira dalalka ay ka mid tahay Somalia ay Qaramada Midoobay ku dadaasho in gabi ahaan la baabi’iyo, si loo horumariyo awoodda iyo nabadgalyada haweenka.

Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda UK, William Hague ayaa isna sheegay inuu qayb ka yahay Qorshaha ay waddo Angelina Julie ee lagula dagaallamayo sidii xad-gudubka iyo kufsiga lagula kaco haweenka adduunka loo joojin lahaa. Wuxuuna intaas ku daray inay arrintaani ku koobaan doonin Afrika, balse adduunka oo dhan looga fidin lahaa, loona baahan yahay in Raggu ay gacan ka geysano sidii dhibaatooyinka lagula kaco haweenka loo joojin lahaa.


Hague ayaa intaas ku daray in waddamo ay ka mid tahay Somalia loo baahan yahay in madaxdu ay gacan buuxda ka geestaan sidii wax looga qaban lahaa Tacadiyada baahsan ee Haweenka lagula kaco.

Ugu dambeyn, kulankan ayaa si gaar ah waxaa farta loogu fiiqay inay Soomaaliya ka mid tahay dalalka ugu badan ee tacadiyada loogu geysto Haweenka, iyadoo lagu taliyay Ragga Soomaaliyeed lagula taliyay inay ka shaqeyaan ka hor-tagga xad-gudbyada ka dhanka ah Haweenka.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila)
E-mail:
[email protected]
Sandton, South Africa