4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 13, 2015
MADAXWEYNAHA SOMALIA : Xukuumada laguma Sameynayo wax isku-shaandheyn ah (Dhageyso)


Sabti, Juun 13, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ku jiraan warar baryahaan la isla dhex-marayay oo ahaa in xukuumadda isku-shaandheyn lagu sameynayo.

Xasan Sheekh sidoo kale ka hadlay arrimaha Ammaanka dalka ayaa xusay in horumar laga sameeyay amniga haddana uu meel wanaagsan marayo, isagoo qorshaha ciidanka la isugu-dhafayo ku macneeyay mid muhiim u ah dalka horseedaysana horumar uu dalku gaaro.

“Baryahaan waxaa badatay in la qal-qal-geliyo ha’yadaha dowladda Somalia, iyadoo la isla dhex-marayay in Xukuumadda la isku shaandheynayo iyo inuu Madaxewynuhu kala dirayo Baarlamaanka, Arrimahaasna waa kuwo dhibaato ah oo lagu doonayo in la waayo Maskax ay Shacabkeennu ku fekeraan. Marka waxaan leeyahay Xukuumad la isku-shaandheynayo ma jirto… Shirkii Golaha wasiirrada dhexdooda ayaana arrintan ka sheegay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia wuxuu xusay in Xukuumaddu ay sideeda u jirayso oo ay Shaqeynayso, sidoo kalena Baarlmaaanku uu jirayo, Laakiinse Shaqada laga eryi doono Wasiirkii aan Howshiisa kasoo bixin, laguna bedeli doono Ruux kale oo Soomaaliyeed oo howshiisa qabsan kara.

DHAGEYSO: Shirka Jaraa'id ee Madaxweynaha Somalia uu ku qabtay Muqdisho

“Baarlamaanku wakhti ayuu leeyahay, Wuxuuna gaari doonaa xilligaas, mana jirto cid kala diraysa iyo cid u taagan, mana jirto sabab loo kala diri karo. Inaga oo dhanna waxaan dalka gaarsiinaynaa halkii aan awoodno, wakhtigii naga lumay ayaa nagu filan, mana doonayno inuu wakhti kale naga lumo,” ayuu mar kale yiri madaxweynaha Somalia.

Madaxweynaha Somalia ayaa Dhanka kale ka hadlay Dhaqaalaha dalka, wuxuuna xusay in dhaqaaluh uu soo kobcay, inkastoo ay jiraan caqabado weli taagan, isgaoo sheegay inaysan jirin dhaqaale ay dowladdu ka hesho Beesha Caalamka.

“Dowladdu waxay ku dadaalaysaa tayeynta Shillin Soomaaliya oo Qiimihiisu hoos u dhac weyn uu ku yimid, Waxaana ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay Dowladda kala Shaqeeyaan sidii shillinka qiimihiisa dib loogu soo celin lahaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia oo shirkiisa jaraa’id uu ahaa mid aad u dheer ayaa Baaq u diray Shacabka Soomaaliyeed isagoo ka Dalbaday inay la yimaadaan Kalsooni iyo dulqaad ay ku qabaan dowladdooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya