4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 13, 2015
Qaxootigii ugu tirada badnaa oo maanta magaalada Boosaaso soo gaarey
http://puntlandi.com/wp-content/uploads/2015/04/915.jpg
xuquuqda sawirka: Feysal Cumar, Reuters

Sabti, June 13, 2015 (HOL) — Markab iyo labo doonyood oo ay la socdaan ku dhowaad 3000 oo qof oo kasoo qaxay dalka Yemen ayaa kusoo xirtey dekedda magaalada Boosaaso.

Dadkan oo ay weheliyaan mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, kooxo caafimaad iyo wariyeyaal waxay u badan yihiin carruur, dumar iyo dad waayeel ah.

Mas'uuliyiin ka tirsan Puntland, Guddiga Gurmadka Qaxootiga iyo xubno ka socdey hay'adaha Bisha Cas iyo IOM ayaa dadkaas ku qaabiley gudaha dekedda islamarkaana si diirran usoo dhoweeyey.

Adeegyo deg deg ah oo isugu jirey quudin iyo dareyeel caafimaad ayaa ugu horreyn loo fidiyey dadka, waxaana intaas kaddib loo gudbiyey xero loogu talo galay in qaxootiga si kumeel gaar ah loo dejiyo.

Laga soo bilaabo bishii April ee lasoo dhaafay, waxaa magaalada Boosaaso soo gaarey muhaajiriin tiradoodu kor u dhaafeyso 13,000 (saddex iyo toban kun).

Puntland ayaa walaac ka muujisey qaxootiga tirada badan ee Yemen kasoo qulqulaya, waxayna marar badan baaq u dirtey Dowladda Federaalka iyo hay'adaha samafalka iyadoo ka codsatay in laga caawiyo qaabilaadda iyo maareynta qaxootiga.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya