4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 31, 2015
Gaas oo gurigiisa ku booqday Faroole iyo diyaar-garow loogu jiro Xuska 01-da Agoosto (Sawirro)


Jimco, Luuliyo 31, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali ayaa maanta Gurigiisa ku booqday Madaxweynhii hore ee Puntland, C/raxmaan Sh. Maxamed Faroole, kaasoo maalin ka hor soo gaaray Magaalada Garoowe.

Booqashadan ayaa ahayd mid tacsi ah sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada, Puntland ee Garowe ,waxaana madaxweynaha hadda talada haya uu mar kale tacsi u diray qoyska iyo ehelada marxuumad Aamino Abiib oo ahayd xaaskii Faroole.

“Waxaan soo booqannay guriga uu Cabdiraxmaan ka dagan-yahay magaalada Garowe si aan ula qaybsado geeridii xanuunka lahayd ee ku timid Marwo Aamino Abiib” ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo warbaahinta qaar la hadlay.

Kulan gaar ah oo labada mas’uul dhex-maray ayaa la sheegay inuu socday saacado kooban, mana jirto cid faahfaahin ka haysa waxyaabihii ay kawada wadahadleen, iyadoo laba casho ka hor ay Puntland ka baaqatay ka qayb-galka shir muhiim ah oo magaalada Muqdisho uga soo gaba-gaboobay dowladda Soomaliya iyo beesha caalamka.

“Waxaa ay isla soo Qaadeen Go’aankii ay Puntland ka qaadatay shirkii Hiigsiga iyo arrimo la xiriira xuska sanad-guurada 17-aad ee dhismha Puntland oo ku beegan maalinta bari ah,“ ayuu yiri sarkaal ka tirsan madaxtooyada oo aan la xiriiray.

Ugu dambeyn, Waxaa ka socota Garoowe Diyaar-garow loogu jiro munaasbadda xuska 01-da Ogoosto ayaa laga Dareemayaa Guud ahaan Puntland, Waxaana si weyn loo Adkeeyay amniga magaalada Garo0we oo ah halka munaasbadda ugu balaaran lagu qaban doono.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]