4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 31, 2015
Maxkamad Xukuntay in Dhismihii Safaaradda Soomaaliya ee Roma lagu Wareejiyo Soomaaliya


Jimco, Luuliyo 31, 2015 (HOL) — Maxkamad ku taalla dalka Talyaaniga ayaa xukuntay in dhismaha Safaaradda Somalia oo ku taalla magaalada Rome si rasmi ah loogu Wareejiyay mas’uuliyiinta Safaarada Somalia, kaddib markii muddo 10-sano ah ka badan ay gacanta ku haysay Shirkad laga leeyahay Talyaaniga.

Danjiraha Somalia ee dalka Taliyaaniga, Jen. Muuse Xasan C/lle ayaa sheegay in muddo kaddib Somalia ay soo ceshatay dhismihii Safaaradda Somalia ee Roma oo shirkad ajnabi ah ay ku ganacsanaysay, isagoo tilmaamay in maanta ay u dabaal-dageen inay hantiyeen dhismihii Safaaradda.

Sidoo kale, danjiraha ayaa sharraxay sida ay ku imid in dib gacanta Soomaaliya ay ugu soo celiyaan dhismihii Safaaradda Talyaaniga dacwada badan uu furay Qareenno uu qabsaday, taasoo sababtay in gacanta Soomaaliya lagu soo celiyo, waxaana guul uu ku tilmaamay inay ku guuleesteen dacwadoodii.

Ugu dambeyn, Danjire Jen. Muuse Xasan C/lle ayaa xusay in dhismaha Safaaradda uu ka muuqdo burbur daran, loona baahan yahay in Dayac-tir lagu sameeyo, isagoo xusay inay safaaraddu qayb ka tahay Qaranimada Somalia inay ku Xardheen Xarunta Safaaradda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya