4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 31, 2015
Madaxii Mucaaradka Burundi oo loo Doortay Guddoomiye ku Xigeenka Baarlamanka Dalkaas


Jimco, Luuliyo 31, 2015 (HOL) — Hoggaamiyihii Mucaaradka Burundi, Agathon Rwasa ayaa loo doortay Khamiistii inuu noqdo Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Qaranka dalkaas, isagoo ahaa xubnihii Mucaaradka ee kasoo horjeestay doorashadii waddankaas ka dhacday, muddo bilooyin ahna ka mid ahna taageerayay kacdoonnadii shacab ee dalkaas ka jiray.

Mr Rwasa ayaa cambaareeyay doorashadii markii saddexaad Xilka Madaxweynenimo ee loo doortay, Pierre Nkurunziza, balse horraantii Toddobaadkan ayaa wuxuu sheegay inuu doonayo wanaagsan ka ciyaaro sidii xiisadda Burundi ka jirta loo xal loogu heli lahaa.

Kulankii baarlamaanka ee Khamiistii shalay ayaa Rwasa loogu doortay xilka ku xigeenka guddoomiyaha baarlamaanka Burundi, isagoo ku guuleystay 108-cod oo ka mid ahaa 122 cod oo laga qaaday xildhibaannada.

Sidoo kale, waxaa la Filayaa in Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Burundi loo Magacaabo Edouard Nduwimana oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii mucaaradka ahaa ee wadahadalladii u dhexeeyay Mucaaradka iyo xukuumadda dalkaas yeeshaan ka hor intii aan xilka loo dooran Nkurunzia.

Rwasa ayaa sheegay inuusan kasoo horjeedin in la dhiso xukuumad wadaag ah oo dalkaas laga dhiso, isagoo intaas ku daray in ujeeddada ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay in mar kale la diyaariyo doorasho.

“Weli Wadahadallada way Socdaan,” ayuu yiri Rwansa Isniintii aanu soo dhaafnay. Isagoo intaas raaciyay. “Waxaan rumeysanahay in wax walba oo jira lagu dhameeyo Wadahadallo dhexmara labada dhinac.”

Mucaaradka Burundi ayaa waxay ku tilmaameen doorashadii Pierre Nkurunziza inay tahay mid ka baxsan dastuurka dalkaas. Taasoo dhalisay in dadweynuhu ay dhigaan dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan in mar kale la doorto Nkurunzia.

Pierre Nkurunziza ayaa ku Guuleystay Codadka 69% Doorashadii dhawaan dalka Burundi ka dhacday, sida ay sheegeen guddiga doorashada Burundi, inkastoo ay kasoo Hor-jeesteen doorashadaas Xubnaha Beesha Caalamka.

Dhanka kale, Rabshadihiii ka dhacay Magaalada xarunta ah ee Bujumbura oo bishii Abriil ee Sannadkan billowday ayaa waxaa ku geeriyooday tiro dad ah oo ka badan 100 Ruux oo shacab iyo ciidammo ah, iyadoo boqollaal kale ay ku dhaawacmeen.

Waxaa kaloo Dalkaas ka barakacay in ka badan 150,000 oo Qof, kuwaasoo cabsi ka Qabay inay dalkaas ka qarxaan dagaallo sokeeye, kuwaasoo si Magan-galyo ah u galay dalalka ay dariska yihiin, sida Tanzania iyo Rwanda.

Qaar ka mid ah axsaabta mucaaradka dalka Burundi ayaa ku eedeeyay Agathon Rwasa in uu khiyaanay uuna qaatay xil ay xukuumadda dalkaas u soo bandhigay, iyagoo sheegay in aysan Aqoonsanayn Hoggaamintiisa.

“Hadda wixii ka dambeeya uma Aqoonin Mr. Agathon Rwasa inuu Mucaaradka Xubin ka yahay. Waxaana iibsatay xukuumadda,” ayuu yiri mas’uul ka tirsan xisbiyada mucaaradka Burundi oo ka gaabsaday inuu magaciisa sheego.

Ugu dambeyn, Tatian Sibomana oo ah afhayeenka xisbiga UPRONA oo uu xubin ka ahaa Agathon Rwasa ayaa yiri. “Go’aanka Agathon Rwasa ma ahan mid Wax Carqalad ah ku keenaysa mucaaradka, mana ahan go’aan khiyaano ah. Dowladda inuu xubin ka noqdana waa go’aankiisa.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya