4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 31, 2015
CAYNTE: Haddii aysan dhicin doorasho Qof & Cod ah Macnaheedu ma ahan in aysan doorasho dhacayn


Jimco, Luuliyo 31, 2015 (HOL) — Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ee Somalia, C/raxmaan Yuusuf Ceynte ayaa sheegay in hadda laga fikirayo Qaabka Dalka ay uga dhici lahayd doorasho, mar hadii aysan dhici karin doorasho qof iyo cod ah.

C/raxmaan Caynte ayaa sheegay in hadda Wada-tashi ballaaran Shacabka la sameyn doono si ay qayb uga qaataan fikirka ku aaddan Qaabka ay doorasho dalka uga dhici karto.

“Sida wax loo dooranayo waxay kasoo bixi doontaa Wadatashiyo lala yeelanayo hay'adaha Dastuuriga ah ee dalka iyo Umamdda Soomaaliyeed. Haddii doorasho cod iyo qof ah ay dhici waydo micnaheedu ma ahan in aysan doorasho jirin,”  ayuu yiri C/raxmaaan Ceynta oo u Warramahay Warbaahinta Muqdisho qaarkeed.

Dhinaca kale, Wasiirka Qorsheynta ayaa intaas ku daray in hadda daraasad lagu wado sida ay noqon karto doorashada dhici doonta, iyadoo ay jiraan Qaabab ku aaddan Doorashada dhici karta oo la eegayo midda ugu habboon ee ka dhici karta dalka.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa dhawaan waxay ku dhawaaqday in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah Sanadka 2016-ka, xilligasoo ku eg xilliga shaqo ee Xukuumadda hadda shaqeynaysa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya