9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 20, 2015
SAWIRRO: Qoysas Ka Barakacay Degmooyinka ka Tirsan Gobolka Bay oo Gaaray Baydhabo


Isniin, Luuliyo 20, 2015 (HOL) — Barakacayaal ka kala yimid Deegaanada ay Dagaalladu ka socdaan sida; Diinsoor, Ufuroow, Manaas, Makoon iyo kuwa ku dhow-dhow ayaa soo gaaray Maanta Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Amaanka Baydhabo ayaa aad loo Adkeeyay, iyadoo Maamulka Degmada uu isugu geeyay Qoysaska Barakacayaashan ah Saldhigga Booliiska, iyadoo lagu Sameynayay Baaritaan la xiriira Amniga, sida uu Sheegay Taliyaha Qaybta Booliiska ee Gobalka Bay, Col. Mahad C/raxmaan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobalka Bay, Rashiid C/llaahi ayaa Wuxuu isna Warbaahinta u sheegay in tirada barakacayaashan ay u dhexeyso 150 ilaa 200 oo qoys, isagoo ka dalbaday hay’adaha Samafalka inay lasoo Gaaraan Kaalmooyin Deg-deg ah.

Dhanka kale, Ciidamada Itoobiya ee AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia ayaa Qarka u saaran inay la wareegaan gacan ku haynta Degmada Diinsoor ee gobalka Bay iyo Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya inay Ciidanka huwanta ah ay ku lugeynayaan Waddada, kuwaasoo baaritaanno sameynaya, iyadoo ay Ciidamada Taageerayaan Diyaarado kuwa Qumaatiga u kaca ah ee loo yaqaan Helicopters-ka.

Ugu dambeyn, Magaalada Baydhabo ayaa Maalmahan Saacadaha Qaarkood Waxaa laga saaraa hawada isgaarsiin ah, iyadoo deegaannada ay ka socdaan colaaduhuna ay inta badan Isgaarsiintu ka maqan tahay.


Hiiraan Online, Baydhabo