1/6/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 14, 2015
Wareegto Madaxweyne oo Lagu Dallacsiiyay Taliyaha Guud ee Ciidamada Boliiska Somalia (SAWIRRO)


Talaado, Luuliyo 14, 2015 (HOL) — Taliyaha Booliska Somalia, Maxamed Shiikh Xasan  Xaamud ayaa loo dalacsiiyay darajada Sarreeya Gaas, kaddib  Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweeynaha Soomaaliya, iyadoo darajada taliyaha ay horay u ahayd Sarreeyo Guuto.

Munaasabada lagu dalacsiiyay Taliyaha Booliska Somalia ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan labada gole ee DFS, Saaraakiisha ciidamada Booliska, AMISOM iyo dadweyne Soomaaliyeed.

Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Xafladda ka akhriyay Wareegtada lagu dalacsiiyay Taliyaha Booliska Soomaaliya, isagoo u xiray darajada uu u dallacay ee Sareeya Gaas.

“Madaxweynaha Soomaaliya, markii uu arkay Qodobka 87-aad, Farqada Koowaad Xaraf –C- iyo Farqada 2-aad ee Dastuurka Soomaaliya, isla markaana uu tixgeliyay soo jeedinta Wasiirka Amniga Gudaha ee ahaa in la dallacsiiyo hal darajo taliyaha Booliiska Somalia, ayuu soo saaray Wareegtadan lagu dallacsiiyay Jen. Maxamed Sh. Xasan Xaamud,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Somalia.

Dhankakale, Taliyaha Booliiska Soomaaliya ee la Dallacsiiyay ayaa Horay u soo Noqday wasiirka Gaashaandhigga Somalia, iyadoo dallacsiintan aysan aysan noqonayn markii ugu horreysay oo uu madaxweynuhu dallacsiiyo saraakiisha ciidammada kala duwan ee dowladda Somalia.

Ugu dambeyn, Sarreeye Gaas Maxamed Sh. Xasan Xaamud ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay darajada loo kordhiyay uuna wax ka qaban doono Amaanka Dalka iyo Horumarinta ciidamada booliiska Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya