Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Magacaabay Golaha Wasiirrada Maamulkiisa
Sabti, Janaayo 03, 2015 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa goor-dhow ku dhawaaqay golaha waasiirrada maamulka uu hoggaaminayo, isagoo horay u magacaabay shan wasiir.
Golaha wasiirrada maamulka Koonfur-galbeed ayaa waxay ka kooban yihiin 20. Waxaana ku jira xubno aan kasoo jeedin digil iyo mirifle, kuwaasoo uu ka mid yahay C/llaahi Shiikh Xasan oo ah guddoomiye xisbi siyaasadeed oo ka jira Muqdisho.
Haddaba, akhriso magacyada wasiirrada maamulka KMG ee Koonfur-galbeed Soomaaliya:
01. Wasiirka Amniga, C/fitaax Ibraahim Maxamed (Geesey)
02. Wasiirka Hub ka Dhista iyo dhaqan-celinta , Xasan Xuseen Maxamed
03. Wasiirka Batroolka iyo Tamarta, Saalim Xaaji Xasan Cismaan
04. Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, C/qaadir Shariif Sheekhunaa
05. Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga, C/naasir Cabdi Caruush
06. Wasiirka Caafimaadka, Isaaq Cali Subug
07. Wasiirka Waxbarashada, Saadaad Maxamed Nuur Cali Caliyow
08. Wasiirka Hiddaha, Tacliinta Sare, Xasan Ibraahim Xasan
09. Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta, Xasan Cabdi Maxamed
10. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Maxamed Cumar Zeytuun
11. Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, C/llaahi Cabdi Cumar Fanax
12. Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Aadan Xasan Maxamed (Usama)
13. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, C/llaahi Sheekh Xasan
14. Wasiirka Dib u dejinta iyo xiriirka Jaaliyaddaha, Axmed Nuur Maxamed
15. Wasiirka Dib u heshiisiinta iyo Dastuurka, C/qaadir Nuur Caraale
16. Wasiirka Gargaarka iyo Daryeelka Naafada, C/llaahi Muuse Abuukar
17. Wasiirka Dalxiiska iyo Duurjoogta, Cumar Aadan Xasan (Cumar Dheere)
18. Wasiirka Deegaanka iyo Daaqa, Macallin Maxamuud Maxamed (Jiis)
19. Wasiirka Aw-qaafta iyo Arrimaha Diinta, Axmed Maxamed Barre
20. Wasiirka Shaqada Iyo Shaqaalaha, Jeylaani Sheekh Maxamed Xasan
Si kastaba ha ahaatee, wasiirrada uu magacaabay madaxweynaha Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhamaantood ah rag, iyadoo aysan ku jirin haween, waxaana ay tani soo afjaraysaa magacaabista golaha wasiirrada oo Shariif Xasan laga sugayay illaa tan iyo markii xilka loo doortay 17-kii bishii November ee 2014-kii.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya