Ra’iisul Wasaare Sharma'arke oo Maanta la kulmay danjiraha Midowga Afrika
Sabti, Janaayo 03, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa Muqdisho ergayga Midowga Afrika ee Somalia, Maman S. Sidikou, kaasoo ay goob-joog ka ahaayeen saraakiil ka tirsan AMISOM.
Danjiraga Sidikou ayaa ra’iisul wasaaraha Somalia uga warbixiyay shaqooyinka ciidamada AMISOM ay ka wadaan dalka Somalia, doorkooda nabadeynta dalka iyo tababaridda iyo qalabeynta ciidamada Soomaaliya.
RW Sharma’arke ayaa uga mahad-celiyey danjire Sidikou howlaha ay AMISOM ka waddo Soomaaliya ka wadaan iyo dadaalka AMISOM ee ku wajan in lagu guuleysto xasilinta iyo la-dagaallanka kooxaha uu ugu yeeray argagixisada.
Intuu kulanku socday ayaa lagu soo qaaday sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeyneed ee ka dhexeeya Midowga Afrika iyo Soomaaliya, isagoo intaas ku daray inay lagama maarmaan tahay in AMISOM ay gacan ka geysato sidii loo taakuleyn lahaa ciidamada booliiska si ay Somalia amni uga dhigaan iyo in la-dhameystiro isku dhafidda ciidamada qalabka sida ee dalka.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray qaybihiisa dambe in ciidamada xoogga iyo AMISOM ay dardar-geliyaan howlgallada lagula dagaallamayo Al-shabaab, si gobollada dalka oo dhan loo gaarsiiyo barnaamijka waddanka lagu xasilinayo.
Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare, Cumar ayaa ku amaanay doorka ururka Midowga Afrika uu ku garab-taagan yahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo uga tacsiyeeyay askartii ku dhimatay weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday xarunta AMISOM ay ku leedahay Muqdisho ee Xalane.
Si kastaba ha ahaatee, Sharma’arke ayaa ballan-qaaday inuu joonteyn doono xiriirka wada-shaqeyneed ee ka dhexeysa xukuumadda Somalia, Midowga Afrika iyo AMISOM, si dalka loo gaarsiiyo hiigsiga 2016-ka oo ah qorshaha u degen Soomaaliya.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya