12/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 28, 2015
URURKA Midowga Yurub oo Ballan-Qaadyo u Sameeyay Puntland (SAWIRRO)


Arbaco, Janaayo 28, 2015 (HOL) — Madaxa howl-gallada iyo shaqaalaha Midowga Yurub Mr. Kenneth Dean oo soo gaaray Puntland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe ,isaga iyo xubno kale oo ka socday hay’adaha taageerada ee Midowga Yurub.

Kulanka labada dhinac oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa la sheegay in looga hadlay arimo ku saabsan sidii Puntland looga caawin lahaa horumarinta kaabayaasha bulshada sida dhisidda jidad cusub iyo dayactirka garoomada diyaaradaha ee Puntland.

“Waan ku faraxsanahay in wafdigan ay soo gaaraan halkan ,waayo waa muhiim iskaashi aan la samaynayo dowladaha iyo ururada deeqaha bixiya,“ ayaa lagu yiri war si kooban laga soo saaray madaxtooyada Garowe.

“Imaanshahooda Garowe waxa ay hordhac u tahay ballaanqaadyo hadda ka hor Midowga Yurub u sameyay Puntland,” ayaa mar kale lagu yiri warkan, xilli hoos u dhac dhinaca dhaqaalaha ah laga dareemayo gobolka.

Masuulkan soo gaaray Puntland ayaa sheegay in ay diyaar-u yihiin kaalmada Soomaaliya, isla markaana ay dhawaan ka furan doonaan Garowe xafiis cusub oo ka shaqayn doona isku xirka labada dhinac.

Dhinaca kale howlgalo amni sugid ah oo laga sameeyay Garoowe ayaa la sheegay in lagu soo qab-qatay in ka badan 20 qof oo dhalinayaro ah, kuwaasoo la sheegay in ay dadka shacabka ah taleefanada ka furan jireen.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale shalay qaabilay wafdi heer caalami ah oo ka socday safaaradda Jarmalka ee Soomaaliyo iyo qaar kamid ah hay’adaha mashaariicda ee dalkaas ,waxaana wafdigan ay ballan-qaadyo u sameeyaan Puntland.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]