10/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 18, 2015
Maamulka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka Fuliyay Howl-gallo Bur-burin ah


Axad, Janaayo 18, 2015 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay howlgallo lagu burburinayo goobaha ganacsiga ee sida sharci-darrada ah uga dhisan hareeraha waddada muhiimka ah ee Maka Al-Mukaara ka fuliyay magaalada Muqdisho.

Ciidamada ilaalada deegaanka Xamar ayaa howlgalladan burburinta ah ka fuliyay inta u dhexeysa isgooysyada Hoteel Jubba iyo Dabka, waxaana ka qayb-qaadanayay howlgalkan gaadiidka dowladda Hoose ee qashinka qaada. Iyadoo ujeedka howlgalkan lagu sheegay mid lagu soo celinayo billicda Muqdisho.

Taliyaha ciidamada ilaalada deegaanka Xamar, Col. Axmed Xuseen Mahdi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalkan uu sii socon doono illaa inta waddada hareeraheeda ay ka qaadayaan sandaqadaha ganacsiga ah ee sharci-darrada ah oo laga dhisay waddada Maka Al-mukarama oo halbowle u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Kaaliyaha dowladda Hoose ee duqa magaalada Muqdisho, Sh. Cumar ayaa isna tilmaamay in burburinta goobaha ganacsi ee sharci-darrada ah uu amar ku bixiyay guddoomiyaha gobolka Benaadir, Muun-gaab.

Si kasta ha ahaatee, xalay saqii dhexe ayay ahayd markii ciidamada ilaalada deegaanka Xamar ay howgalladan ka fuliyeen waddada Maka Al-mukarama, kaasoo qayb ka ah dadaallada uu maamulku ku doonayo inuu dib ugu soo celiyo bilicdii caasimadda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya