4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 9 , 2015
Dowladda Sudan oo joojisay inay fiisooyin siiyo Soomaalida dalkeeda u Socda


Isniin, Feberaayo 09, 2015 (HOL) — Dowladda Sudan ayaa sheegtay inaysan dal-ku-gal siin doonin wixii hadda ka dambeeya Soomaalida doonaysa inay dalkooda tagaan, iyadoo sabab uga dhigtay in qulqulka Soomaalida oo ku batay dalkooda.

C/qaadir Cali Guulane oo ka mid ah howl-wadeenada safaaradda Somalia ee Khartuum oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in amarkan uu yimid markii ay barteen Soomaalida ku tagaya dalka Suudaan qaabka tahriibka ah si ay uga sii gudbaan.

“Go’aanka ay qaadatay Sudan waxaa ku cad in dadka Soomaaliyeed ee soo gala dalkooda ay aad u bateen, sidoo kalena aysan Soomaalidu ahayn kuwo u hoggaansamaya sharciyada dal-ku-joogga, sidaas darteedna ay joojiyeen bixinta fiisaha Soomaaliya la siiyo,” ayuu yiri Guulane.

Sidoo kale, sarkaalkan ayaa sheegay in go’aankan uu saameyn aad u weyn ku yeelanayo Soomaalida ku nool Sudan iyo kuwa imaanaya, balse ay kala hadli dooanan arrintaan iyo saameynteeda wasaaradda arrimaha dibadda dalka Sudan.

“Tirada Soomaalida ku nool Sudan waa illaa 10,000 oo 6,000 oo ka mid ah ay yihiin arday, halka kuwa kalena ay yihiin qoysas daggan iyo dad kale oo u jooga ganacsi ahaan, joojinta fiisaha iyo saameynteeda wasaradda arrimaha dibadda ee Sudan. Runtiina culeyskan waa mid ku yimid dadka dalka Sudan u taga qaabka tahriibka ah,” ayuu Guulane hadalkiisa ku daray.

Mas’uulkan ka tirsan safaaradda Somalia ee Suudaan ayaa sheegay in waxyaabaha ay kala hadli doonaan dowladda Suudaan ay ka mid yihiin in wax laga qabto dadka ku lugta leh in ay tahriibiyaan Soomaalida, kuwaasoo xarumo ku leh dalka Sudan.

“Dhibaatada tahriibka waa mid caqabad badan ku haysa dhallinyaro Soomaaliyeed oo aad u fara badan.. lacago badanna ay ku baxaan, sidoo kalena dhibaatooyin loogu geysto dalal ay ka mid tahay Liibiya oo ay sii maraan lacago badanna looga qaato,” ayuu mar kale yiri C/qaadir Cali Guulane oo intaas ku daray inay ku jiraan tahriibayaasha arday ku fashilmay waxbarashada.

Ugu dambeyn, sarkaalka ayaa shacabka Soomaaliyeed kula taliyay inay joojiyaan inay ku tagaan qaab sharci ah dalalka ay doonayaan inay tagaan oo ay ka digtoonaadaan tahiibka oo sharci-darro ah, isagoo xusay in dhaqaalaha dhallinyarada Soomaaliyeed tahriibka uga baxa ay wax uga qabsadaan dalkooda.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Sudan ayaa wuxuu ka mid ahaa dalalka ogol in Soomaalida uu siiyo fiisayaal tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Somalia oo laga joojo 25-sanadood; iyadoo tallaabadan ay noqonayso tii ugu horreysay oo ay dowladda Suudaan ku dhawaaqdo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya