4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 9 , 2015
Taliyaha Nabad-sugidda Somalia oo Ciidammo Cusub Geeyay Dhuuso-mareeb


Isniin, Feberaayo 09, 2015 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminaayo taliyaha guud ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, Jen. Cabdiraxmaan Tuur-yare ayaa maanta gaaray degmada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galgaduud, iyadoo socdaalka ku wehliyay saraakiil ka tirsan madaxtooyada Somalia.

Jen. Tuur-yare ayaa markii u gaaray Dhuuso-mareeb wuxuu booqashooyin ku tagay goobo kala duwan, isagoo degmadaas geeyay ciidammo cusub oo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya oo uu sheegay inay ka howlgeli doonaan degmadaas.

“Maanta Dhuuso-mareeb ayaan joognaa, maalmaha soo socdana waxaan tagaynaa Xarar-dheere iyo Ceel-dheer. Hadafkeennu waa inaan Al-shabaab ka saarno deegaannada ay kaga sugan yihiin gobollada dhexe ee Somalia,” ayuu Jen. Tuur-yare ku yiri hadal uu jeediyay.

Shacabka degmada Dhuuso-mareeb ayuu ka dalbaday inay ammaanka kala shaqeeyaan ciidamada cusub ee nabadsugidda ah oo degmadaas ka howlgeli doona wixii maanta ka dambeeya.

“Al-shabaab gobollada ay doonayaan in mustaqbalka gobollada dalka ee ay doonayaan uu ka mid yahay Gal-guduud, balse ciidammo la dagaalama Al-shabaab ayaan maanta halkan keennay, waxaana naga go’an inay gobollada dhexe kaga xoreyso Al-shabaab muddu bil gudaheed ah,” ayuu hadalkiisa ku daray taliyaha nabadsugidda Qaranka.

Booqashadan taliyaha nabadsugidda Somalia uu ku tagay degmada Dhuuso-mareeb ayaa la sheegay inay hordhac u tahay safar la filayo inuu madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh uu ku tago degmadaas, inkastoo aan la ogeyn waxay salka ku hayso booqashadiisa.

Dhuuso-mareeb ayaa waxaa ka socda shir dib u heshiisiineed oo ay ka qaybgalayaan wax-garad iyo ergooyin ka socda deegaannada uu gobolka Galguduud ka kooban yahay, kaasoo la sheegayo inuu hordhac u yahay maamulka loo sameynayo gobollada dhexe ee dalka.

Inkastoo aan la shaacin xilliga madaxweynaha Somalia uu degmadaas tagayo, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in maalmaha soo socda uu tagay degmada Dhuuso-mareeb oo uu kula kulmi doono maamulka iyo waxgaradka.

Ugu dambeyn, taliyaha nabadsugidd Qaranka ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka ay duqeymo ka fulin doonaan deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan tahay gobollada dhexe ee Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, degmada Dhuuso-mareeb ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay ka taliso dowladda Somalia, waxaase bilihii u dambeeyay ee sannadkii lasoo dhaafay 2014, ka dhacay dagaallo u dhexeeya ciidammo ka amar-qaata dowladda Soomaaliya iyo kuwo taabacsan Ahlusunna.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya