4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 9 , 2015
Barnaamijka ay Xukuumaddu ku Shaqeynayso oo loo Gudbiyay Baarlamaanka


Isniin, Feberaayo 09, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta baarlamaanka Somalia u gudbiyay barnaamijka ay xukuumaddu ku shaqeynayso sannadaha 2015-ka illaa 2016-ka.

Barnamijka xukuumadda ee labada sano ee soo socda ayaa lagu sheegay inay xukuumaddu sanadkan ka shaqeynayso howlo muhiim ah oo ay ka mid yihiin; hanashada xasilloonida dalka, dowlad-wanaagga, dimuqraadiyadda iyo horumarinta dalka.

“Howlaha kale ee sannadkan 2015-ka ay xukuumadeydu wax ka qabanayso; dardar-gelinta aragtida hiigsiga cusub ee sannadka 2016-ka iyo sidoo kale howlo kale ee ay dowladdu ah-miyadda koowaad u leh oo ay ka mid yihiin; horumarinta dalka, cadaaladda iyo dimuqraa-diyadda,” ayaa lagu sheegay qoraalka xukuumaddu ay u gudbisay baarlamaanka Somalia.

Qodobbada kale ee barnaamijka xukuumadda lagu xusay ayaa waxaa ka mid ah;

1. Xogeynta dhulka kooban ee weli ku jira gacanta Xarakada Al-shabaab
2. Dhameystirka maamul-goboleedyada dalka ee harsan
3. Baahinta adeegga bulshada ee hadda billowga ah oo gobollada la gaarsiin
4. Gaarsiinta Cadaaladda iyo Garsoorka dalka heerkii laga rabay
5. Horumarinta barnaamijka dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka
6. Gaarsiinta dowlad-wanaagga iyo hay’adaha dowladda oo la tayeeynayo

Sidoo kale, qoraalka waxaa lagu sheegay in xukuumaddu ay matasho gabi ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxayna howlaheedu ku saleysnaan doonaan nidaamka dowlad wanaagga, sida; isla xisaabtan, hufnaan iyo sarreynta sharciga.

Barnaamijka xukuumadda ayaa wuxuu ka kooban yahay 11-bog, iyadoo uu baarlamaanka ka hor-akhriyay wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Sh. Yuusuf Cali Caynte oo ka mid ahaa xubnihii golaha wasiirrada ee maanta la ansixiyay lana dhaariyay.

HALKAN KA ROGO; BARNAAMIJKA XUKUUMADDA OO DHAMEYSTIRAN:

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya