4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 9 , 2015
Hay’adda ICG oo sheegtay in colaadihii Somalia ay si weyn hoos ugu dhaceen


Isniin, Feberaayo 09, 2015 (HOL) — Hay’adda la socodka xasaaradaha caalamka ee ICG ayaa sheegtay inay hoos u dhaceen xasaradihii ka taagnaa Soomaaliya 25-kii sano ee la soo dhaafay, inkastoo ay xustay inay jiraan weli qaraxyo iyo dilal ka dhacaya magaalooyin ka tirsan Soomaaliya.

Warbixin ay hay’addu soo saartay bishan Feberaayo ayay ku sheegtay inay ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia sannadkii lasoo dhaafay ay Al-shabaab ka saareen deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Somalia.

“Xasaradihii ama colaadihii ka jiray Somalia 25-kii sano ee lasoo dhaafay si weyn ayay hoos ugu dhaceen, inkastoo ay weli dhacaan qaraxyo iyo falal ay ka mid yihiin dilal qorsheysan, kuwaasoo ka dhaca meelo badan oo ay ka mid tahay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri warbixinta hay’addda ICG.

Sidoo kale, hay’addu waxay sheegtay in kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Somalia iyo ciidamada AMISOM ay weli ka taliso dhul miyi ah, kaddib markii laga saaray magaalooyinkii waaweynaa.

Hay’adda ICG waxay warbixinteeda ku xustay in wixii ka dambeeyay sannadkii 2011-kii ay Soomaaliya ka jireen xaalado bani’aadamnimo oo aad u daran, kuwaa oo ku habsaday dadka ku nool deegaannada ka fog magaalooyinka.

“Tiro ka badan saddex milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa haatan u baahan inay helaan gargaar ban’aadamnimo oo deg-deg ah, iyadoo Somalia ay ka mid tahay goobaha ugu khatarta badan ee ay hay’adaha samafalku ka howl-galaan,” ayay ICG hadlkeeda ku dartay.

Ugu dambeyn, hay’addu waxay warbixinteeda kusoo xirtay in hay’adaha samafalka ee QM ay sheegeen inaysan haysan dhaqaale ku filan oo ay wax kaga qabtaan xaaladaha dhinaca bani’aadamnimada ah ee Soomaaliya ka taagan, sidoo kalena ay weli ka jirto meelaha gaar xaalado bani’aadamnimo oo daran.

Si kastaba ha ahaatee, hay’adda ayaa warbixinteeda kaga hadashay dalal ay ka mid tahay, Koonfurta Sudan, Yemen iyo kuwo kale oo fara badan, iyadoo xustay in dalalkaas ay ka jiraan xasarado soo kordhaya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya