4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 9 , 2015
Xildhibaannada Baarlamaanka oo Ansixiyay Xukuumadda Cusub (SAWIRRO)


Isniin, Feberaayo 09, 2015 (HOL) — Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xukuumadda cusub ee uu soo magacaaabay ra’iisul wasaare Cumar C/rshiid Cali Sharma’arke.

Codeynta oo ahayd mid gacan-taag ah ayaa 191 xildhibaan oo ka mid ahaa 213-xildhibaan oo kulanka joogay waxay codka siiyeen xukuumadda, iyadoo ay 22 xildhibaana ay diideen, sida ay guddoonka baarlamaanku ku dhawaaqeen markii codeyntu dhammaatay.

Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa loo qaybiyay toddoba saf, si ay saf-saf codka ugu dhiibtaan, iyadoo codeynta kaddib uu natiijada ku dhawaaqay Jawaari oo shegay inay wasiirrada cusub wixii maanta ka dambeeya yihiin ansax, ayna billaabaan howlaha ay uga fadhiyaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa jeediyay khudbad uu ugu mahadcelinayay xilhdibaannada baarlamaanka kaddib markii xukuumaddiisa la ansixiyay, isagoo intaas ku daray in xukuumaddiisu ay waxqabad muuqda la imaan doonto.

Markii wasiirrada la ansixiyay kaddib ayaa waxaa dhaariyay guddoomiyaha maxkamadda sare, Avv. C/llaahi Ceydiid Ilka-xanaf iyadoo xubnaha golaha wasiirrada cusub mid-mid loo dhaariyay.

Ansixinta xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo lagu dilay saakay Muqisho xildhibaan C/llaahi Khayraad Barre oo kooxo hubeysan ay gurigiisa hortiisa ku toogteen, xilli uu ku socday kulanka baarlamaanka Soomaaliya ee xukuumadda lagu ansixiyay.

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda cusub ee maanta la ansixiyay ayaa waxay ka kooban tahay 66 xubnood oo qaarkood xildhibaanno ah, kuwaasoo isugu jira, wasiirro, wasiir ku xigeenno iyo wasiir u dowlayaal.

HALKAN KA AKHRISO MAGACYADA GOLAHA WASIIRRADA CUSUB

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya