4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 9 , 2015
Xulka Ivory Coast oo Xalay ku Guuleystay Koobka Qaramada Afrika (Sawirro)


Isniin, Feberaayo 09, 2015 (HOL) — Xulka kubadda cagta dalka Ivory Coast ayaa xalay ku guulaystay koobka Qaramada Afrika ee 2015-ka, kaddib markii ay rigoorayaal uga badiyeen xulka waddanka Ghana oo ay isku arkeen ciyaartii kama dambeysta ahayd ee Koobkan.

Ciyaarta ayaa ku billaabatay weerar iyo weerar celis, iyadoo 90-kii daqiiqo ee loogu talo-galay kusoo gaba-gabowday 0-0, waxaana lagu daray waqti dheeaad ah oo 30-daqiiqo ahaa, waxayna ku dhamaatay 0-0.

Intaa kaddib waxaa labada xul loo dhigay rigoogayaal ama gool ku laadyo si ay u kala baxaan, waxaana koox walba ay tuuratay min 11 gool-ku-laad, iyadoo xulka Ivory Coast uu dhaliyay 9-gool, labana ay ka khasaartay, halka xulka Ghana ay dhaliyeen 8-gool saddexna ay ka khasaartay.

Gool-ku-laadka ay ku guuleysatay xulka Ivory Cost waxaa u dhaliyay gool-hayahooda, kaddib markii uu kubadda ka qabtay gool-hayihii kooxdii ay wada ciyaarayeen ee  Ghana, taasoo u suuro-gelisay Ivory Coast in xulka Ivory Coast ay guushu ku raacdo halkaas.

Xulka Ivory Coast ayaa waxaa la dhihi karaa waxaa xalay badbaadiyay gool-hayahooda oo qabtay lab aka mid ah gool-ku-laadyadii ay tuurteen qaar ka mid ah ciyaaryahannada xulka Ghana.

Ciyaartoydii xulka Ghana ayaa markii laga guuleystay billaabay inay gabi ahaantooda ilmeeyaan, halka kuwii Ivory Coast ay farxad la bood-boodeen gudaha garoonkii ciyaartu ka dhacaysay.

Kooxda kubadda cagta Ivory Coast ayaa sidan oo kale rigoorayaal kaga badiyay kooxda Chana ciyaartii finalka ahayd ee Koobka Qaramada Afrika ee sannadkii 1992-kii, iyadoo tani ay noqonayso markii labaad oo xulka Ghana lagu quusiyo rigoorayaal.

Si kastaba ha ahaatee, xulka Ivory Cost oo ay xalay u ciyaarayeen labada ciyaartoy ee walaalaha ah Yaye Toure iyo Kole Toure ayaa si rasmi ah u noqday horyaalka Qaaradda Afrika ee sannadkan iyo kan xiga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya