4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 9 , 2015
DAAWO: Wiil Soomaaliyeed oo Naafo ah Doonaya in dib loogu Celiyo Somalia

Isniin, Feberaayo 09, 2015 (HOL) — Maamulka iyo macallimiinta iskuulka Maaltek ayaa ballanqaaday inay caawinayaan wiil ka mid ah Soomaalida qoxootiga ku ah dalka Yemen oo curyaan ah, kaasoo dalbaday inuu doonayo in dib loogu celiyo Soomaaliya.

Wiilkan oo lagu magacaabo, Maxamed Abuubar ayaa ah wiil Soomaaliyeed oo lugaha ka curyaamay, wuxuuna ku nool yahay Koonfurta dalka Yemen, isagoo sheegay in xaalad nololeed oo aad u daran ay haysato.

Abuubar ayaa horay u dalbaday in Soomaaliya dib lagu celiyo, balse weli ma jirto cid weli wax u qabatay, wuxuuna ku nool yahay xero qoxooti oo Yemen ku taalla. Haddaba maamulka iyo ardayda iskuulka Maaltek ayaa dalbnaya in ciddii taqaanna Maxamed Abuurka ay kala soo xiriirto ciwaankooda oo aad ka arki doontaan fillimka soo socda.

“Haddii aan nahay maamulka iyo ardayda Iskuulka MAALTEK waxaan diyaar u nahay inaan gacan ka geysanno sidii wiilkaan Soomaaliyeed ee curyaanka ah dib loogu celin lahaa dalkiisa hooyo ee Somalia, ciddii taqaanna waxaan weydiisanaynaa inay nala soo xiriiraan si aan wiilkaas uga caawinno in dib loogu celiyo Soomaaliya,” ayuu yiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta iskuulka Maaltek.

SOMALI TRAPPED IN YEMEN: Waxaa baahisay Al-Jazeera TV.  

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya