4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 9 , 2015
Aabbe iyo Wiil uu dhalay oo Xalay lagu dilay Bartamaha Magaalada Baydhabo


Isniin, Feberaayo 09, 2015 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay oo xilliyadii u dambeeyay ay kusoo badanayeen dilalka ayaa waxaa xalay lagu dilay bartamaha degmada abbe iyo wiil uu dhalay.

Aabbaha la dilay ayaa lagu magacaabaa, Xasan Dhimbil iyadoo lala dilay wiil uu dhalay, iyadoo dilkan ayaa noqonaya kii seddaxaad oo Baydhabo laga geysto muddo dhowr toddobaad gudahood ah.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayaa Baydhabo lagu dilay labadii ka mid ah culummada sida weyn looga yaqaanno degmadaas, kuwaasoo lagu dilay masaajidyo ay ku tukanayeen salaad.

Marxuunka xalay la dilay ayaa wuxuu ka mid ahaa waxgaradka Baydhabo ee sida aadka ah looga tixgeliyo gudaha magaladaas, kana qaybqaatay shirar nabadeyn ah oo degmadaas ka dhacay.

Xasn Dhimbil iyo wiilkiisa ayaana la ogeyn illaa hadda cida dishay, inkastoo ciidamada amniga ay baaritaanno ku hayaan ciddii dishay Xasan iyo wiilkiisa oo ka baxsaday goobta ay dilka ku geysteen.

Hiiraan Online, Baydhabo