4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 9 , 2015
Bangiga Islaamka oo Gargaarka ka Qaybiyay degmada Baydhabo (SAWIRRO)


Isniin, Feberaayo 09, 2015 (HOL) — Degmada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa lagu qaybiyay gar-gaar raashin ah oo la siinayay barakacayaal ka yimid gobolka Bakool, iyadoo gargaarkan uu bixinayay bagiga Islaamka.

Wafuuda kas socotay bangiga Islaamka ayaa u qaybiyay dadkan raashinka gargaar ahaanta ay ugu keeneen, waxaana goobta raashinka lagu bixinayay ilaalo ka hayay icidamada amniga dowlada iyo kuwa ka socda dalka Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Xasan Macallin Biikole oo goobta raashinka lagu qaybiyay ka hadlay ayaa u mahadceliyay wafuudda ka socota bangiga Islaamka, iyadoo magaalada ay ka jirto xaalad bani’aadam-nimo oo haysata barakacyaal fara badan oo ka yimid gobolka Bakool.

Sidoo kale, wafdigan ayaa waxay kulammo la qaateen madaxda maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed Somalia, iyagoo ka hadlay sidii loo ballaarin lahaa howlaha gargaarka ee bangiga Islaamku uu ugu talo-galay dadka ku nool gobollada uu maamulkan ka taliyo.

Baydhabo oo xarun u ah gobolka Bay ayaa toddabaadyadii lasoo dhaafay waxaa soo gaarayay hay’ado samafal iyo wufuud ka socata Caalamka, kuwaasoo kulammo kala duwan la yeelanayay madaxweynaha Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo golahiisa wasiirrada.

Dhanka kale, wararka naga soo gaaraya degmada Buurhakabo ayaa waxay sheegayaan inay halkaas ka jirto biyo la’aan xooggan; iyadoo halkii barmiil oo biyo ah la kala siisanayo lacag dhan 120,000 illaa 150,000 oo shillinka Soomaaliga ah,

Magaalada Buurhakabo oo ka tirsan gobolka Bay ayaan lahayn ceelal ay ka dhaansan karaan dadku biyo, iyadoo shacabku ay biyaha ka helaan waro ku yaalla buurta weyn ee degmadu caanka ku tahay.

Hiiraan Online, Baydhabo