4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 9 , 2015
Jaamacada UNISO oo soo dhaweysay Macalimiin ka timid Kenyatta University


Isniin, Feberaayo 09, 2015 (HOL) — Xaflad lagu soo dhaweynayay macallimiin ka yimid Jaamacadda Kenyatta ee dalka Kenya ayaa waxaa lagu qabtay xarunta waxbarashada sare ee Jaamacada Soomaaliya (UNISO) oo ku taala degmada Hodon ee gobalka Banaadir.

Munaasabada oo ay ka qayb-galeen masuuliyiinta ugu sarreysa Jaamacadda UNISO ayaa lagu shaaciyay inay bilowdeen duruurtsa waxbarashada sare ee Jaamacadda iyo in lagu soo daray waxbarashada sare laba qaybood oo kala ah;  - Nabadda iyo xallinta Khilaafaadka iyo Waxbarashada guud.

Soo dhaweynta macallimiinta ka timid jaamacada Kenyatta ayaa waxaa hoggaaminayay Farancis Mula, waxaanu imaatinkooda uu ka dambeeyay heshiis ay galeen jaamacaada Soomaaliya iyo Kenyatta oo ahaa; “Aqoon-wadaag” waxanaa macalimiintu ay halkaan ka bixin doonaan casharro ay siinayaan ardada dhiganeysa waxbarashada sare qaybteeda hore (Master) gaar ahaan labada “Nabada iyo xalinta Khilaafaadka iyo sidoo kale qeybta waxbarashada”.

Farancis Mula ayaa ugu horeyn waxa uu ka mahadceliyay soo dhaweynta balaaran ee loo sameeyay, waxa uuna sheegay in ay muhiim u tahay in arday Soomaaliyeed wax baro isaga oo dhanka kale sheegay in salaan uu uga wado Madaxda Jaamacada hogaanka sare ee Jaamacada Kenyatta.

Qaar ka mid ah ardayda duruustu u bilaabaneysay ayaa waxa ay iyana ka hadleen xafladda iyagoo u mahad-celiyay Maamulka Jaamacada Soomaaliya iyo jaamacada Kenyatta oo u suura geliyay in ay dalkooda hooyo master ku diyaariyaan ayna ka maraamaan in ay dibada waxbarasho u doontaan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Somalia, Prof. Cabdiraxmaan Macalim Axmed oo isna hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay Macalimiinta ka socota Jaamacada Kenyatta socdaalkooda ay ku yimaadeen jaamacada Soomaaliya si ay wax u baraan Jiil Soomaaliyeed oo baahi u qaba waxbarashada Sare.

Pro. Cabdiraxmaan Macalim Axmed, gudoomiyaha Jaamacada Soomaaliya (UNISO) ayaa waxa uu ka hadlay qeybaha lagu soo kordhiyay waxbarashada sare muhiimada ay leeyihiin waxa uua si gaar ah uga hadlay baahida ay Soomaalidu u qabto macaliin tayo leh isaga oo sheegay in ay kasoo bixi karaan marka sara loo qaado qeybta “waxbarashada” halkaas oo ay kasoo bixi karaan macalimiin wanaagsan.

Guddoomiye Ablaal ayaa waxa uu sheegay in dhawaana sidoo kale ay soo kordhin doonaan qeyba kale oo kamid ah waxbarashada sare oo Soomaalidu ay baahi u qabaan, isaga oo cadeeyay in dhamaan casharada waxbarashada sare ee “Nabadda iyo xallinta Khilaafaadka iyo qaybta waxbarashada” ay bixin doonto Jaamacada Kenyatta iyadoo xarunta Jaamacadda Soomaaliya lagu bixin doono casharrada.

Jaamacadda Soomaaliya oo 10-sano jirsatay ayaa waxaa qaybteeda sare ka qalin jebiyay kumannaan arday waxa ayna si baahida waxbarashada sare ee Soomaaliyeed loo daboolo ay waayihii danbe xooga saartay in ay xariir la sameyso jaamacadaha ugu tayada badan qaarada Afrika si looga maarmo in waxbarashada sare dibada loogu raadsado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya