4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 9 , 2015
Mudane lagu Dilay Muqdisho & Al-Shabaab oo Sheegatay Mas’uuliyadda Dilka

Isniin, Feberaayo 09, 2015 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa ku toogtay maanta degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir, xildhibaan C/llaahi Qayaad Barre oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa la dilay isagoo ka baxaya gurigiisa kuna sii socda golaha shacabka oo lagu ansixinayo xukuumadda, iyadoo kooxihii dilka geystay ay ka baxsadeen goobta.

Dilka xildhibaanka ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay xoghayaha guud ee baarlamaanka Soomaaliya, C/kariin Xaaji Buux, isagoo ka mid noqonaya tiro xildhibaanno ah oo horay loogu dilay Muqdisho.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka xildhibaan Qayaad, isagoo noqonaya xilkii ugu horreeyay oo sannadkan lagu dilo Muqdisho. Iyadoo sannadkii hore 2014-ka la dilay shan xildhibaan oo ay ku jirtay mid haweeney ah.

Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo ah afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay in ciidammo ka tirsan kuwa gaarka ah ee kooxdooda ay idleen xildhibaan Qayaad, isagoo ku goodiyay inay sii wadi doonaan dilalka ay ku hayaan xildhibaannada baarlamaanka Somalia.

“Ciidamada gaarka ah ee Al-shabaab ayaa fuliyay dilka Qayaad, iyagoo ku dilay meel ku dhow madaxtooyada Soomaaliya, waxaana naga go’an inaan sii wadno ugaarsiga aan ku haynno xildhibaannada baarlamaanka Somalia. Meel walbana oo aan ku aragnana ay ku toogan doonaan,” ayuu ku hanjabay Sh. Abuu-Muscab.

Hay’adaha ammaanka dowladda ayaan weli ka hadlin toogashada xildhibaankan, iyadoo Al-shabaab ay weli ka taliso deegaanno ka tirsan Somalia, waxaana kooxdu ay horay u sheegatay dilka shan xildhibaan oo sannadkii la soo dhaafay la dilay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya