4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 8 , 2015
Doorashooyinkii Madaxweynenimo ee Nigiria oo dib loo dhigay lix Toddobaad


Axad, Feberaayo 08, 2015 (HOL) — Guddiga doorashooyinka dalka Nigeria ayaa muddo lix toddobaad ah dib u dhigay doorashadii madaxweynenimo ee dalkaas ka dhici lahayd, iyadoo laga cabsi-qabo weerarro Boko Haram ay ka geysato goobaha doorashooyinka.

Doorashooyinka madaxnimo oo dhici lahaa Sabtida soo socota ayaa waxaa lagu wadaa inay dhacdo bisha soo socota, iyadoo arrintaas ay si aad ah uga hadleen murashaxiinta xilka kula tartami lahaa madaxweynaha xilka haya.

Madaxa guddiga doorashada dalka Nigeria, Attahiru Jega ayaa si rasmi ah u shaaciyay muddada lixda toddobaad ah ee dib loo dhigay doorashooyinkii ka dhici lahaa dalkaas.

Jega ayaa sheegay inaanay jirin cid damaanad qaadi karta amniga xubnaha guddiga doorashada, maadaama ay u nugul yihiin weeraro waaweyn oo kaga yimaada kooxda islaamiga ah ee Boko Haram.

Xoghayaha arrimaha dibadda dalka Mareykanka, John Kerry ayaa maanta sheegay in dib u dhigista doorashooyinka ay la macno tahay dimuqraadiyaddii Nigeria oo dib loo dhigay, isla markaana aan la aqbali karin.

Dib u dhaca doorashooyinka dalka Nigeria ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo dalkaas looga dhawaaqo muddo 15-sano ah ka hor, iyadoo waqtigan ay u taagan yihiin; madax-weynaha dalkaas Goodluck Jonathan oo masiixi ah iyo Muhammadu Buhari oo muslim ah kana soo jeeda waqooyiga Nigeria.

Buhari ayaa awood milateri ku qabsaday dalka Nigeria sannadkii 1980-kii oo dalkaas ay hareeyeen afgambiyo milateri, isagoo ballanqaaday inuu kooxda Boko Haram uu ka baabi’inayo dalkaas, uuna tirtirayo musuqmaasuqa ka jira dalkaas.

Ugu dambeyn, kooxda Boko Haram ayaa horay u diidday in Nigeria laga hir-geliyo nidaam dimuqraadi ah, iyadoo sheegtay inay dalka Nigeria ku dhaqi doonto shareecada Islaamka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya