4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 8 , 2015
Shaqaalaha Warshadda layrka Hargeysa oo ka Cawday Xuquuqda ay leeyihiin

Axad, Feberaayo 08, 2015 (HOL) — Shaqaalihii Warshaa Korontada Hargeysa oo horay ay u maamuli jirtay xukuumadda Somaliland ayaa cabasho ka soo jeediyey inay xaqooddii ku waayeen ka dib markii shirkaddaasi laga iibiyey ganacsato gaar ah.

Shaqaalahan aya sheegay in wasirka Hawlaha guud ee Somaliland oo shirkaddu hoos iman jirtay u sheegay in xaqoodda ku leeyihiin ganacsatadda iibsatay shirkadda Laydhka Hargeysa, isla markaana ay shaqaalle rasmi ah noqon doonaan, haseyeeshee shaqalaha waxay xuseen in qaar ka mid ah shaqaddii laga eryey taasina aanay waafaqsanayn ballanqaadii wasiirka Hawlaha guud.

“Waxaa la ogyahay in Warshadda Korontada la iibeyey oo lagu wareejiyey dad gaar ah ah,  waxaanay shaqaalahu doonayaan in ay helaan wixii ay xaq u heleen iyo shaqadii ay dalka ku lahaayeen. markii aanu wax ka waydiinay shaqadayadii wasiirka hawlaha guud waxaa uu noo sheegay in shaqaalaha isbedel lagu samayn doonin oo aanu la shaqayn doonno dadka iibsaday shirkada Laydhka dawladda balse arrintaas waxay noqotay mid saaka beenowday oo soo gabo gabowday ka dib markii toban naga imid ah la eryey wax xaqooddii ahna aan la siin”ayuu yidhi mid ka mid ah shaqaalihii warshaddii laydhka dawladda oo cabasho ka muujiyey xaqooddii oo ay ku waayeen markii warshadda la iibiyey.

Shaqaalahan hore ee hay’adda korontada dawladda ee Hargeysa ayaa eedo culus u jeediyey wasiirka hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed , waxaanu yidhi“Wasiirka hawlaha guud aamini mayno oo 45 jeer buu been noo sheegay oo maalin walba ballan kala duwan na siinayey waxaana saaka shaqadii laga fadhiisiyey 10 qof oo shaqaale ah isla markaana warqadan ku qoran taasina waxaa ay beeninaysaa shaqalahii la lahaa la eryi maayo wax sabab ah oo lagu eryeyna ma jirto”

Xukuumadda iyo ganacsatadda iibsatay warshadda Laydhka ayaa walli ka jawaabin eedaha shaqaalahan usoo jeediyey labadda dhinac.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland