4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 8 , 2015
Dowladda Somalia oo sheegtay in la baarayo gaadiidka ka howlgala Muqdisho


Axad, Feberaayo 08, 2015 (HOL) — Wasaaradda gaadiidka Somalia ayaa sheegtay maanta inay billowday hubinta gaadiidka waddooyinka Muqdisho mara; kuwaasoo ay sheegtay in darawallada intooda badan aysan haysan warqaddda milkiyadda gaadiidka ay wataan.

Taliyaha ciidamada waddooyinka iyo agaasimaha wasaaradda gaadiidka oo si wadajir ah ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka lagu ku wargeliyay inay baaritaan ku sameeyaan milkiyadda gaadiidka lagu wato magaalada, si loo hubiyo lahaanshiyaha gaadiidka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka, Cali Gacal Gaabow ayaa xusay in baaritaanno la sameeyay ay ciidamada amnigu ku qabteen 50 baabuur oo la ogaaday in dadkii watay aysan u haysan warqad caddeynaya milkiyadda gaadiidka ay wateen, isagoo intaas ku daray in laga billaabo maanta daba-gal ay ku sameynayaan hay’adaha amniga gaadiidka noocaas oo kale ah.

“Wasaaraddu waxay ku howlaneyd hubinta gaadiidka magaalada Muqdisho ka howlgalla, waayo waxaa soo baxaya in gadiidka dadka wata aysan haysan warqadaha caddeynaya lahaanshahooda. Haddaba gaadiidleyda waxaan faraynaa in cid kasta ay hubiso milkiyadda baabuurka ay wadato, ciddii la qabto iyadoo aan wadan baabuur milkiyaddiisa ay qof kale ku qoran tahay sharciga ayaanu la tiigsan doonnaa,“ ayuu yiri agaasimaha wasaaradda gaadiidka.

Sidoo kale, agaasimaha ayaa ku baaqay in dadka gadiidka kala iibsanaya ay warqadda kala wareegsadaan; iyagoo la tagaan xarunta ay wasaaraddu ku leedahay magaalada Muqdisho si loo diiwaan-geliyo.

Dhanka kale, taliyaha ciidamada nabadgelyada waddooyinka, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali-gaab) ayaa isna tilmaamay in ciidamada nabadgelyada jidadka ay u taagan yihiin xaqiijinta gaadiidka iyo dadka wata.

Ugu dambeyn, wasaaradda gaadiidka ayaa sheegtay inay dadaal badan ku bixin doonto hubinta milkiyadda gaadiidka Muqdisho lagu wato; si ay uga hortagaan gaadiidka falal-dambiyeed lagu geysto cid walba ha lahaatee.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya