4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 8 , 2015
Ivory Coast iyo Ghana oo Caawa isku dheggen iyo Ammaanka oo la Adkeeyay


Axad, Feberaayo 08, 2015 (HOL) — Ammaanka garoonka ay ka dhacayso ciyaarta kama-dambeysta ah ee Koobka Qaramada Afrika oo caawa dhex-mari doonto xulalka Ghana iyo Ivory Coast, kuwaasoo u soo finalka koobka Afrika.

Xoojinta ammaanka ayaa waxaa garoonka ayaa imaanaysa iyadoo ciyaartii dhex-martay kooxaha Ghana iyo Equatorial Guinea ay taageerayaasha dalka marti-gelinta ciyaarta sameeyeen rabashado sababay inay 36-qof oo ka mid ahaa taageerayaashii garoonka ku sugnaa ay dhaawacyo soo gaaraan.

“Waxaan aad u adkeynay ammaanka garoonka ay ciyaartu ka dhacayso si aanay u dhicin mar kale rabashadihii dhacay markii ay dhacaysay ciyaartii dhexmaraysay Ghana iyo E. Guinea,” ayuu yiri xoghayaha guud ee CAF, Hicham El Amrani oo warbaahinta kula hadlayay magaalada caasimadda ah ee Malabo.

El Amrani ayaa intaas raaciyay. “Ciidan badan oo kuwa ammaanka ayaa hadda ilaalinaya garoonka, waxaanse ku baaqaynaa dadka oo dhan inay uga mahadceliyaan dalkan marti-geliyay koobka Qaramada Afrika.”

Hadalkan ayaa imaanaya saacado uun kaddib markii guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee Afrika CAF, Ciise Xayaatu uu sheegay in rabshadihii dhacay ay warbaahintu si xun u turjuntay.

Ciyaarta kama-dambeysta ah ayaa dhacaysa 10:00 habeennimo saacadda Afrikada Bari ee caawa.  Iyadoo kulankan uu noqonayo kii labaad oo ay ku kulmaan labadan xul ee Ghana iyo Ivory Coast oo ay guushu raacday xulka Ivory Coast oo ku badisay rigoorayaal.

Dhanka kale, xulka DR Congo ayaa soo galay kaalinta saddexaad ee Koobka Qaramada Afrika, kaddib markii ay xalay kooxda Equatorial Guinea ay kaga adkaadeen rigaarayaal 4-3 ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya