4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 8 , 2015
Punland oo ka hadashay weerarkii ka dhacay degmada Boosaaso (SAWIRRO)


Axad, Feberaayo 08, 2015 (HOL) — Taliska booliiska Puntland oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Boosaaso ayaa ka warbixiyey weerarkii xalay lagu qaaday fariisin ciidan iyagoo sidoo kale soo bandhigey xubno la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo isla xalay ciidamadu gacanta kusoo dhigeen.

Taliyaha booliska Puntland Jen. Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa sheegay in xalay fiidkii koox ka koobaneyd shan nin oo Al-shabaab ka tirsani weerar gaadmo ah kusoo qaadeen fariisin ciidan oo boolisku habeenkii gaadiidka ku baaraan kuna dhow Hotel Panorama.

Iska hor-imaad dhex maray ciidanka iyo kooxdii weerarka soo qaadey ayuu taliyuhu sheegay in hal askari ku geeriyoodey afar kalena ku dhaawacmeen, sidoo kale wuxuu sheegay in hal nin laga diley kooxdii duulaanka ahayd.

Taliye Jaqanaf ayaa dhanka kale sheegay in hawlgal boolisku sameeyeen weerarka kadib ay kusoo qabteen saddex kamid ah raggii weerarka fuliyey oo iyaga oo baxsad ah gaari kula rogmadey jidka sodonka ee mara dhanka bari ee magaalada. Shilka waxaa ku dhintey hal nin balse labada kale oo midkood dhaawac yahay ayaa saaka warbaahinta loo soo bandhigay.

Nin dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamuud Rashiid Cali kana mid ahaa xubnaha Al-shabaab ee fariisinka ciidanka soo weeraray ayaa warfidiyeenka la hadlay isagoo faah faahin kooban ka bixiyey weerarka iyo qaabkii uu u dhacay.

Weerarka xalay ka dhacay Boosaaso ayaa waxaa mas'uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab, wuxuuna ahaa kii labaad ee noociisa ah ee muddo toddobaad ah ka dhaca magaalada Boosaaso.

Ammaanka Puntland ee soo xumaanaya ayaa kusoo aadaya xilli qaybo badan oo ciidamada ka tirsani dhowrkii bilood ee ugu dambeeyey ka cabanayeen mushahar la'aan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya