4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 8 , 2015
SHARMA’ARKE: Xiridda Xawaaladaha waxay horseedi kartaa dhibaato kale


Axad, Feberaayo 08, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ugu baaqay bangiyada dalka Mareykanka inay ka laabtaan go’aanka ay ku xirayaan xisaabaadka xawaaladaha Soomaalida ee dalka Maraykanka. Isagoo sheegay in shacabka Soomaaliyeed intooda badan ay noloshoodu ku tiirsan tahay lacagaha soo mara Xawaaladaha.

Mudane Sharma’arke ayaa sheegay inuu dowladda Mareykanka kala hadlay arrintan si ay dambiyada dib ugu eegaan go’aanka ay ka qaateen xawaaladaha, isla markaana ay dib ugu billaabaan xiriirka ay la leeyihiin xawaaladaha si howshu u sii socoto.

"Lacagaha ay soo diraan Soomaalida ku nool dibadda ayna fududeeyaan bangiyada Mareykanka waxay soo gaaraan qoysas iyo caruur la tacaalaya nolol adag. In badan oo Soomaali ah ayaana ku tiirsan lacagaha lagu soo diro xawaaladaha,” ayuu yiri Sharma’arke.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dareensan tahay walaaca ay bangiyadu qabaan ee la xiriirta la-dagaallanka dhaqaalaha maraya waddooyinka aan habboonayn iyo lacagta dambiyada lagu sameeyo ee u gacan-gala argagaxisada, balse go'aanka bangiyada uu horseedi karo dhibaato kale oo bini’aadamnimo oo dalka soo food saarta.

"Go'aanka bangiyada Mareykanka ee ah inuu xirayo xisaabaadka bangiyada ee shirkadaha xawaaladaha Soomaaliya waa in dib loo eegaa; maxaa yeelay tani waxay dhibaato aanu daah-ku-daboolnayn ku tahay Somalia oo dhan,” ayuu hadalkiisa ku daray Sharma’arke.

Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa sheegay in 60% ay lacagaha dibadda ka yimaada ku xiran tahay nolosha dad badan oo Soomaaliyeed oo aan heli karin wax kale oo ay ku noolaadaan.

“Muddo sannado ah xawaladaha Soomaaliya waxay saameyn ku yeesheen shuruudaha iyo sharciyada adag ee lagu soo rogayo howlahooda. Waxay in badan ku celceliyeen inay u heellan yihiin wax-ka-bedelka habkii ay lacagta u diri jireen. Dowlad ahaan waan amaanaynaa dadaalkooda iyo baaqayada mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanku ee ku aaddan in Xawaaladuhu ay sii shaqeeyaan,” ayuu hadalkiisa ku daray ra’iisul wasaaraha Somalia.

Ugu dambeyn, Sharma’arke wuxuu ugu baaqaynaa bangiyada Maraykanka inay xoogga saaraan in xal laga gaaro dhibaatadaan hadda taagan; halkii lagu deg-degi lahaa in xawaaladaha la xiro.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka ra’iisul wasaaraha Somalia ee Xawaaladaha Soomaalida ku saabsan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo toddobaadkii hore ay xildhibaannada baarlamaanka Somalia ka doodeen xawaaladaha Somalia, iyagoo madaxda Somalia ka dal-badeen inay arrintan kala hadlaan dowladda Mareykanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soom