4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 8 , 2015
Tartan Ciyaaraha Fudud ah oo lagu Soo Gaba-gabeeyay Magaalada Gaalkacyo


Axad, Feberaayo 08, 2015 (HOL) — Maamulka gobolka iyo kan Gaalkacyo ayaa ka ahaa goob-joog tartan ciyaaraha fudud ah oo lagu qabtay degmadaas ,waxaana tartankan uu ahaa mid ka koobanaa baaskiilada iyo orodada dhaa-dheer.

Waxaa tartanka baaskiilada ka qayb-galayayay 13-ciyaarhan halka tartanka orodadana ay ka qayb-galayeen 28-orordyahan oo laga soo xulay degmada Gaalkacyo ,waxaana tartanka soo qaban-qaabiyay xiriirka ciyaaraha fudud ee gobolka Mudug.

“Halkan waxa ay dhalinyarada kaga qayb-galayaan ciyaaro fudud, ujeedka aan ka leenahay waa inaan dadka ku wacyi-galino is dhex-galka," ayuu yiri Ilyaas Cumar Cali oo la hadlay warbaahinta ka dib markii la soo gaba-gabeeyay ciyaarahan.

“Waxa uu noogu soo dhamaaday guul, tartanka baaskiilada waxaa kaalinta koowaad galay C/laahi Maxamed, halka uu kaalinta labaad galay Maxamed Aadan," ayuu guddoomiye ku xigeenka ciyaaraha fudud ee gobolka Mudug, Axamed Caano Geel isna yiri.

Sidoo kale Caano Geel ayaa sheegay in tartanka orodka dhaadheer oo ahaa 400 loogu tala-galay in dhalinyarada looga mashquuliyo tahriibta oo bilahan ku soo badanaysay gobolka Mudug.

Ugu dambeyn, amniga Gaalkacyo ayaa maalmo ka hor ahaa mid kasoo raynayay, inkastoo ay wali jirto cabsi la xiriirta amniga ,waxaana maamulka gobolka iyo kan degmada ay ku baaqeen in la badiyo tartanada caynkan oo kale ah.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]