4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 8 , 2015
FARMAAJO oo ka hadlay Wasiirada Cusub ee la soo Magacaabay (DHAGEYSO)


Axad, Feberaayo 08, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku sugan Mareykanka ayaa ka hadlay xubnaha golaha wasiirrada cusub ee uu soo magacaabay, RW Sharma’arke, isagoo xusay inay ku jiraan xubno howl-kar ah.

Farmaajo oo wareysi siinayay idaacadda Kulmiye ee Muqdisho ayaa sheegay in toddoba ka mid ah golahaas wasiirrada ay horay u soo wada-shaqeeyeen, isagoo intaas ku daray inay Soomaalidu buun-buuniso dadka la garanayo, balse xubnaha wanaagsan ee shaqeyn kara aan la magacaabin.

“Xubnaha aan ka garanayo golaha wasiirrada cusub waxaa ka mid ah; C/raxmaan Caynte, C/qaadir Sh. Cali Diini, Sahro Maxamed Cali Samatar, Xagaa, C/rashiid Xiddig, Maxamed Xasan Aadan iyo Daa’uud C/raxmaan, dhamaan waa dad aqoonyahanno ah oo kasoo bixi kara howlihii ay garanayeenna loo magacaabay oo leh karti iyo aqoon ku filan oo ay ku gudan karaan howsha loo xilsaaray,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaailya ayaa xusay inta aanu ku dhawaaqin magacyadooda inuusan garanayn, balse uu filayo inay howsha loo igmaday kasoo bixi karaan.

DHAGEYSO: WAREYSIGA UU BIXIYAY RW-HII HORE FARMAAJO

“Arrintan sida weyn la isku weydiinayo waa tiro-badnimada wasiirrada lasoo magacaabay, waxaana qabaan in bishiiba ay ku bixi karto nus malyuun dollar, taasoo aanu dalku xamili karin,” ayuu hadalkiisa ku daray Farmaajo, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya aysan awood u lahayn in mushaarka ciidamada dowladda aysan qaadan, marka uusan garan karin halka lacagta ku baxaysa golahan wasiirrada halka laga keeni karo.

“Midda ugu daran waa in baarlamaanku ku kala jabeen magacaabidda wasiirrada, iyadoo baarlamaanku ay madaxweynaha eedeyn u jeediyeen taasoo ah inuu fashilmay. Isaguna uu ka hor-sheegay xubnaha golaha baarlmaaanka inuu qaatay eedeyntii ay u soo jeediyeen uuna sixi doono,” ayuu hadalkiisa raaciyay Farmaajo.

Su’aal la weydiiyay, talada uu baarlamaanka siinayo maadaama berri oo Isniin ah lagu wado in wasiirrada lasoo magacaabay la hor-geeyo. ayuu ku jawaabay. “Baarlamaanka horay ayuu talo u siiyay, mar aan hor-tagay waxaan u sheegay inaysan kala dooran laba qof, balse ay kala doortaan burburin-qaran iyo badbaado-qaran.”

Isagoo sharraxayay badbaado-qaran iyo burburis-qaran ayuu sheegay inuu burbur-qaran yahay inay jirto siyaasad aan daganayn oo dalal shisheeye ay soo farageliyaan dalka oo ay maamullo u dhisaan, ciidanka aan daryeelka ay u baahan yihiin loo dhameystirin iyo in barlmaanka iyo xukuumaddu ay kala qaybsan yihiin.

“Hadda baarlamaanka waxaan kula talinayaa inay badbaadiyaan xilalkiinna, maadaama ay qabaan shaki ah inaysan soo laabanayn 2016-ka, aniguna waxaan qabaa inay iyagu sii joogaan, intii la keeni lahaa kuwo la qaldi karo oo aan khibrad lahayn. Baarlamaankuna waa haya’adda keliya ee xalaasha ah,” ayuu hadalkiisa ku daray Farmaajo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya