4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 8 , 2015
Dowladda Eritrea oo lagu eedeeyay inay wiiqayso xasiloonida dalalka gobolka


Axad, Feberaayo 08, 2015 (HOL) — Xukuumadaha Itoobiya iyo Jabuuti ayaa ku eedeeyay xukuumadda Eritrea inay wiiqayso xasilloonida iyo deggenaashaha gobolka Bariga Afrika.

"Eritrea waxay qalqal ku haysaa nabadda iyo ammaanka ee dalalka gobolka oo ay ku jiraan Jabuuti," ayuu ka sheegay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle shir jaraa’id oo ay wadajir ugu qabteen magaalada Jabuuti isaga iyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn.

Madaxweyne Geelle ayaa intaa raaciyay. "Waxaan ku heshiinnay annaga iyo Itoobiya in Eritrea ay sii saarnaato xayiraadda saaran inta ay ka joojinayso falalka liddiga ku ah amniga gobolka."

Sidoo kale, RW Itoobiya, Desalegn oo dalka Jabuuti booqasho ku ah Sabtidii shalay ahayd ayaa sheegay in labada dal ay iskaashan doonaan si ay u wada difaacaan xuduudahooda.

"Itoobiya diyaar ayay u tahay inay difaacdo oo ay ilaaliso xuduudaha labada dal ee Jabuuti iyo Itoobiya," ayuu yiri Desalegn oo raaciyay. "Saraakiisha amniga ayaan kala hadli doona arrintan ku saabsan iskaashiga labadeenna waddan iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen difaaca xuduudaheenna.”

Eritrea ayaa dagaallo dhanka soohdimaha ah la gashay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti, iyadoo dagaalladii dhexmaray dhinacyadan ay ku dhinteen askar fara badan oo labada dhinac ah, kuwo kalena lagu kala qabsaday.

Colaadda u dhexeysa waddamada Itoobiya iyo Eritrea ayaa billaabatay sannadkii 1998-kii, kaddib markii ay ku murmeen lahaanshaha dhulka xuduudda labada dal ku yaalla, waxaana dagaalkoodu socdeen laba sano. Sidoo kale Eritrea iyo Jabuuti ayaa colaaddooda dhinaca soohdinta waxay jirtay muddo sanado ah.

"Beesha caalamka waxay lumisay rajadii ahayd in isbedel lagu sameeyo maamulka Eritrea oo dhibaatooyin ku haya shacabkiisa, haddaba waxaanu ka dalbanaynaa beesha calamaka inay qaaddo tallaabooyin wax looga qaban karo xukuumadda Asmara," ayuu yiri Desalegn.

Mar la weydiiyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya xaqiiqaada eedeynta uu Eritrea u jeedinayo ayuu sheegay in tani ay ku caddahaya liiska baarayaasha gaarka ah ee Qaramada Midoobay ay horay ugu sameeyeen maamulka Eritrea.

Labada hoggaamiye ee Jabuuti iyo Itoobiya ayaa ku celiyay iskaashiga ay u noqonayaan horumuud sidii xal loogu heli lahaa isku dhacyada inta badan ka dhaca dalalka gobolka ku yaalla. Gaar ahaan Soomaaliya iyo South Sudan

"Waxaan si dhow uga wada -shaqeeyaan sidii looga horti lahaa caqabadaha gobolka ka jira, loona xaqiijin lahaa nabadda iyo ammaanka waddamada ku yaalla gobolka," ayuu Desalegn hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyn, labada hoggaamiye ayaa sheegay inay wadi doonaan inay ka taageeraan dowladaha Soomaaliya iyo South Sudan sidii dalalkooda loogu soo celin lahaa xasillooni waarta.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisa uu sii wadi doonto kaalinta uu kaga jiro dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya oo uu sheegay inay tahay koox caqabad ku ah amniga gobolka.

"Jabuuti way sii wadi doontaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya ka socda innagoo kaashanayna dowladda Itoobiya. Waxaan kaloo sii wadi doonnaa taageerada howlgalka AMISOM," ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle oo intaas ku daray inuu rajeynayo in Soomaaliya iyo South Sudan ay dhaqso amni ku heli doonaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya