4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 8 , 2015
Siilaanyo oo badhasaabyada gobollada S/land ku sameeyay Isku-shaandheyn


Axad, Feberaayo 08, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa xalay xilli dambe isku shaandheyn ku sameeyey Badhasaabyaddi goboladda, kuwaas oo uu qaarna bedelay qaarna xilkii ay hayeen ka qaaday.

Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka madaxweynaha Axmed Saleebaan Dhuxul.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2946/022015 uu isku bedel, xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Gudoomiyeyaasha Gobolada Dalka qaar ka mida.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedka waxa uu u qorna sidan:

1. In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland,  (Bedel Gudoomiyihii hore ee Sanaag)

2. In Mudane, Axmed Cabdi Falay, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Mudane, Yaasiin Maxamed Shide (Yaasiin X), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

4. In Mudane, Cali Maxamed Faarax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saraar Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiye ku xigeennada

1. In Mudane, Maxamed Diiriye Xayd (Dibjir), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Mudane, Xaamud Xuseen Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.

• Xilka Qaadis

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo, wakhtigan xaadirka ahna waxa aan gartay in xilkii Guddoomiyaha Gobolka Sool aan kaa qaado una magacaabo masuul cusub oo xilkaasi guta.

Sidaa darteed, waxaan ku farayaa in aad xilkaa ku wareejiso Mudane, Yaasiin Maxamed Shide (Yaasiin X) oo aan u soo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Sool.

2. Mudane, Axmed Cali Nuur

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo, wakhtigan xaadirka ahna waxa aan gartay in xilkii Guddoomiyaha Gobolka Saraar aan kaa qaado una magacaabo mas’uul cusub oo xilkaasi guta.

Sidaa darteed, waxaan ku farayaa in aad xilkaa ku wareejiso Mudane, Cali Maxamed Faarax oo aan u soo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Saraar.

3.Ku: Mudane, Maxamed Maxamuud Yuusuf

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo, wakhtigan xaadirka ahna waxa aan gartay in xilkii Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Togdheer aan kaa qaado una magacaabo masuul cusub oo xilkaasi guta.

4. Mudane, Khadar Cali Cilmi

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo, wakhtigan xaadirka ahna waxa aan gartay in xilkii Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Saaxil aan kaa qaado una magacaabo masuul cusub oo xilkaasi guta.

• Aqbalaad Is-casilaad Gudoomiye

Tixraac qoraalkaaga summaddiisu tahay XMGA/B/02/286/2015, kuna taariikhaysan 07/02/2015, ujeedadiisuna tahay is-casilaad.

Sidaas darteed, waan kaa aqbalay is-casilaada aad ii soo gudbisay, waxaanan kaaga mahadinayaa muddadii aad haysay xilka Guddoomiyaha Gobolka Awdal.

Haddaba, waxaad xilka Guddoomiyaha Gobolka Awdal ku wareejin doontaa Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo aan u soo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Awdal.

Sidaa awgeed, waxa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto la farayaa in uu dhamaan masuuliyiintaasi u kala wareejiyo xilka Gudoomiyeyaasha, Gudoomiye ku xigeenada Gobolada ee kor ku xusan.”

Si kastaba ha ahaatee, shacabka Somailand ayaa maalmahan hadal-hayay isku-shaan-dheynta xukuumada, haseyeeshe  dadku inta badan waxay hadalka ku badaniyeen in golaha wasiiradda la isku shaandheyn doono, balse madaxweynuhu wuxuu isku shaandheyntii ka bilaabay badhasaabyadda goboladda.

Barkhad-ladiif M.  Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa Somaliland