4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 7 , 2015
BOSASO: Kooxo hubeysan oo weeraray guriga Jen. Muxiyadiin Axmed Muuse
http://raadraacnews.com/Raadraacnews/wp-content/uploads/2012/12/Taliye_ku_xigeenka_Booliska_Puntland-525x250.jpgSabti, Feberaayo 07, 2015 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa caawa soo weeraray guriga uu magaalada Boosaaso ka degen yahay taliye ku-xigeenka ciidamada booliska Puntland Jen. Muxiyadiin Axmed Muuse (Gacamey).

Iska-hor-imaad xooggan ayaa dhex maray ilaalada taliyaha iyo kooxdii weerarka soo qaaday, waxaana sida wararka hordhaca ah lagu helayo jira khasaare nafeed oo labada dhinac soo kala gaarey.

Guriga Jen. Muxiyadiin wuxuu ku dhow yahay xabsiga Bosaso, halkaasoo ah goob ammaankeeda si weyn loo ilaaliyo.

Labo sano kahor [Febaraayo 11, 2013] , Muxiyadiin Axmed Muuse wuxuu  ka badbaadey weerar ismiidaamin ahaa oo Al-shabaab kula beegsatay magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee noociisa ah ee mudo asbuuc gudahiis ah ka dhaca magaalada Bosaso.

Talaadadii lasoo dhaafey ayey ahayd markii kooxo ka tirsan Al-shabaab weerar qorsheysan kusoo qaadeen saldhigga booliska Baalade oo ku yaal xaafada New Bosaso.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya